berberatoday.com
Xukumadda ayaa diidan horumarinta iyo mashruuca dekada Berbera hana sheegaan saamiga Morgan iyo qoyskiisu ku leeyihiin Warbixin
August 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Berbera,(Berberatoday.com)- Waxa tan iyo mudooyinkii danbe inagu soo badnaayay dadweyne kala gadisan oo ka qaylinaaya mashruuca lagu wareejinaayo dekada Berbera, ha u badnaadaan reer Saaxil ama Berbera.

BaasheMorganDubaiWorld-150x150

Hadaba waxa la is weydiinayaa waa maxay sababta ay dad badani heshiiskani uga soo hor jeedaan,yaase ka masuul ah in ay ka soo hor jeedsadaan?

Su’aashaasi markii dhan walba laga istaaga waxa ka masuul ah xukumadda Axmed Siilaanyo oo uu kow ka yahay wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil Morgan oo hadh iyo habayn dadaal ugu jira in duuduub loogu ogolaado qudhunka uu qarsnaayo.

Waxa aanu u kuuro galnay waxa ay dadku uga soo hor jeedaan qorshaha xukuumadda, waxna aanu ogaanay in ay dadku ogolyihiin in dekada la horumariyo mashruucna laga midho dhaliyo, waxna ay soo dhawaynayaa qorshaha DP World.

Hadaba maxay dadku doonayaan in ay ogaadaan? Dadku waxa ay rabaan in ay ogaadaan gun ilaa hoos waxa soconaaya in meel kasta laga saaro madmadowga iyo sidoo kale in loo sinaado mashaariicda iyo saamiyada la bixin doono, in la sharaxo oo dadka la hor dhigo heshiiska dhabta ah ee lala galay DP World.

Hadii mad madow kasta laga saaro oo la noo cadeeyo faa’iidada dalka iyo gobolka Saaxil ugu jirta wareejinta dekada Berbera, sidoo kale la noo cadeeyo in la qeexo in aanay saami ku yeelan doonin qoyska Siilaanyo mashruucani oo aanu u argno mid ay fool eryayaan waa mid aanu taageersanahay lakiin waxa uu wato wiilka uu sodoga u yahay Siilaanyo marna taageerimayno sidaasi waxa yidhi wiil dhalinyaro ah oo ku sugan magaalada Berbera.

Bashe Cawil Morgan ayaa hadba bilaabay in uu dalka Imaaraadka ku soo ururiyo dad isga ku dhow dhow oo doonaaya in ay ka hawl galaan mashruuca DP World e qaabilsan dekada Berbera waxana la sheegayaa in ay hadba shaqaalysiiyeen dad ay u yeedheen oo gaar ah oo dhawaan la qarxin doono lana hor keeni doono umadda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews