Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka qaybgalay Carwada Jaamacada Somaliland Shacabkana ku dhiirigaliyay Qiimaha Waxbarashada
August 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalintii shalay si kadis ah u booqday carwada jaamacadaha dalka ku soo bandhigayaan Waxqabadkooda.
Martidii iyo masuuliyiintii ku sugnaa bandhigayaa si wayn usoo dhaweeyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan inta badan lagu arag goobaha ama xafladaha xukuummada soo abaabushay kadib markii bishii November ee sanadkii hore iska casilay jagadii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo munaasibadaasi warbaahinta kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu dhalinyarta ku dhiiri galinayo waxbarashada iyo akhriska si ay ula jaanqaadaan bulshada caalamka.