Xisbiga WADDANI Oo mudeeyay Shirka Golaha Dhexe Ee Lagu Dooranayo Musharaxa Madaxwayne Iyo Ku Xigeenkiisa
August 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay wakhtiga uu qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee lagu Dooran doono Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uga qayb galaya doorashada madaxtooyada 2017.
War qoraal ah oo lagu baahiyey degelka uu Xisbiga Waddani ku leeyahay Facebooga waxaa lagu sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 1 bisha 10 ee 2016ka oo uu ka dhacayo magaalada Hargeysa.
Waxaa kale oo lagu sheegay qoraalkaasi in shirkaasi lagu dooran doono musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uu yeelan doono xisbiga Waddani maadaama la galayo tartan doorashada madaxtooyada Somaliland.