berberatoday.com
Xisbiyada Siyaasada Somaliland Oo Go’aan Isku Mid Ah Ugudbiyay Madaxwayne Siilaanyo
August 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada Siyaasada Somaliland Waddani, Kulmiye iyo Ucid ayaa maanta go’aan isku mid ah u gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Go’aanka xisbiyadu u gudbiyeen madaxwaynaha,   ayaa ahaa sidii  madaxwayne Siilaanyo uga  arrimin lahaa  saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo muran badani ka taaganyahay islamarkaana doorashooyin hore dib u dhigay.

Guddoomiyaha dallada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil,  oo todobaadadii u dambeeyay ku jiray xal u helida saami qaysiga kuraasta golaha wakiilada ayaa warbaahinta la hadlay markii xisbiyada qaranku madaxwaynaha u gudbiyeen go’aankooda.

“Madaxwaynaha arrintaas (Saami qaybsiga golaha wakiilada)haka  Go’aanka gaadho, saddexda xisbi qaran ayaa saxeexay heshiis ah in madaxwaynuhu go’aan ka gaadho saami qaybsiga Kuraasta wakiilada” ayuu yidhi Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Waddani oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa dhinacooda sheegay inay isku raaceen in madaxwayne Siilaanyo qaybiyo kuraasta golaha wakiilada Somaliland.

“ Madaxwaynuhu wuxuu noogu yeedhay inaan xal kasoo gaadhno haddaanu nahay saddexda xisbi qaran saami qaysiga golaha, kulamo badan oo aanu yeelanay waxaan isla qaadanay in arrinta saami qaybsiga doorashada 2017ka inaan madaxwaynaha usoo celino”ayuu Yidhi Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbigada Kulmiye ayaa isna ka hadlay go’aanka loo gudbiyay madaxwayne Siilaanyo waxaanu yidhi“Arrintaa saami qaybsiga wakiilada qaran ahaan oo dhan ayaynu eed ku leenahay,xisbiyadu xili aanay cidna la hadli Karin ayay nagaga soo beegantay markaas madaxwaynaha oo meesha nooga tanaasulay ayaa arrintaasi ka talinaya”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isna soo dhaweeyay Go’aanka xisbiyada qaranku ku celiyaan madaxwayne Siilaanyo ee ay ku sheegeen inay raali kaga yihiin sida uu u qaybiyo kuraasta golaha wakiilada Somaliland.

“Waa ceeb nin arrintan aan ka talinaynin inuu madaxwayne soo doonto, waxaa iman doonta arrin tan ka wayn oo loo baahanyahay inuu raganimo muujiyo, markaa ninkii intaasi dhameyn kari waayaa imika suuqa bakhaar haka furto”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Saami qaysiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland ayaa muran ka abuuray golaha wakiilada Somaliland iyo madaxwayne Siilaanyo kadib markii madaxwayne Siilaanyo Guddoomiyaha golaha wakiilada kaga codsaday inuu ka arrimiyo saami qabsiga kuraasta wakiilada, haseyeeshee guddoomiye Cirro go’aankaasi madaxwaynaha dib ayaa uu ugu celiyay isagoo sheegay in madaxwaynuhu awood u leeyahay saami qaysiga kuraasta wakiilada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews