berberatoday.com
Koobistii Cirro, Badheedhihii Muuse Biixi Iyo Dhab Ka Hadalkii Faysal Cali Waraabe
August 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Koobistii Cirro, Badheedhihii Muuse Biixi Iyo Dhab Ka Hadalkii Faysal Cali Waraabe

sadexda gudoomiye

Hargaysa(Berberatoday.com)_Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay weheliyaan Guddoomiyeyaasha Akaademiga Nabadda iyo Dalladda SONSAF, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kadib markuu u yeedhay si uu u qaabilo arrinta saami qaybsiga oo ay dib ugu soo celiyeen madaxda axsaabta siyaasaddu.
kulankaa kadib gudoomiyayaasha sadexda xisbi ayaa ka hadlay kulankii ay la yeesheen madaxweynaha. Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Guddoomiyeyaasha Akaademiga Nabadda Maxamed Faarax Xirsi iyo Dalladda Ururrada aan dowliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil, ayaa markii ay ka soo baxeen Kulanka ay Madaxweynaha kula yeesheen xarunta Madaxtooyada, waxay Saxaafadda kula hadleen isla gudaha Madaxtooyada, waxaanay sheegeen inay Madaxweynaha u gudbiyeen labadaas qodob,iyagoo sheegay inay aad uga baqeen Guddooiyeyaal ahaan go’aan ka gaadhista Saamiga Kuraasta Wakiillada.
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay halkaas, waxa uu yidhi; “Arrinta saami-qaybsiga ee cid waliba ka baqatay afar Cilmi-baadhiseed ama saddex baa laga sameeyey, Golaha Wakiilladu oo Guddoomiye Cabdiraxmaan ku yidhi; ‘Waar bal keena Xal, waxay soo celiyeen lixdii gobol-doorasho oo kaaf iyo kala dheeri ah oo aan la isu keeni karayn halkay keeneen. Qolada Akaademiyadda iyaguna cilmi-baadhis bay sameeyeen isna waxa ka soo baxay isuma dhawa oo lama fara-gelin karo aad baa loo kala fog yahay. Qoladan Bulshada rayidka ah cilmi-baadhis bay sameeyeen oo iyaguna waxay keeneen Car I taabo, looma dhawaan karo. Arrinta saami-qaybsiga Goloyaasha runtii Qaran ahaan oo dhan baynu eed ku leenahay innagoon faraha isku-fiiqfiiqin, waayo? 11 sano ayeynu eeganaynay, maynaan guda-gelin ee markii wakhtigu soo dhammaaday ee doorasho lagu sii socdo ayaa la yidhi xalkeedii halla gaadho.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaanu intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Dabadeed Madaxweynaha ayaa loo geeyey, Madaxweynuhuna wuxu yidhi; ‘doorashada yaa qaabbilsan? Xisbiyo, Xisbiyoow idinkaa doorasho doonayee keena xal buu yidhi; saddexdayadii Xisbi baa naloo yeedhay, waxay nagaga beegantay xilli aannaan cidna la hadli karayn, Xisbiyadu doorasho ayey doonayaan, Guddoomiyeyaashuna waa Musharrixiin oo Kursigan Madaxweynuhu yidhi waan ka nasanayaa waan idiin bannaynayaa ayaa saddexdan nin mid waliba isleeyahay yaan lagaaga dhawaannin, nin wax doonayaana gar ma qaadi karo oo ma odhan karo sidaas ayaa wax loo qaybiyey iyo hebeloow waad gardaran tahaye joog.”

“Markii naloo dhiibay waannu ka baqannay, nin waliba wuxu isyidhi ma hebel baad ka cadhaysiin? Waannu taaban kari waynay. Waxaannu nidhi haddaba maxaynu yeelnaa waa is uurgaranaynaa oo rag ku dhacaya ma nihine, Odaygu isagaa Odaygii Qaranka ah, kalsooni baynu siinaynaa, qoraalna waa u saxeexaynaa, wax alla wixii aad ka garato ee go’aan ah baannu kugu raacaynaa illeen annagu waannagan xishoonaynee, sidii baannu ku heshiinnay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Kulammo badan baannu yeelnay oo dhawr ah, kulammadaa gunaanadkoodu waxa uu noqday oo aannu iskku waafaqnay laba qodob oo ah in arrinta saami-qaybsiga Kuraasida Golaha Wakiillada ee doorashada 2017-ka inaannu Madaxweynaha u soo celinno. Qodobka labaadna wuxu ahaa in xalka Madaxweynuhu gaadho ee ku saabsan saami-qaybsiga Kuraasida Golaha Wakiillada Asxaabtu ay aqbalaan. Waxaan Madaxweynaha Illaahay uga baryayaa in Illaahay xalka u fududeeyo, xal aynu ku qabanno labada doorashana Illaahay inna waafajiyo, Madaxweynahana waafajiyo.”
Guddooimyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Arrintan xal looma waayin ee Xiniinyaa la waayay. Maantana waa nagu ceeb inaannu nidhaahno annagoo doonayna inaannu dalka Xukunno 82 Kursi ayaannu qaybin kari waynay, waa wax laga xishoodo. Ninka Madaxda ah ee Madaxnimo doonayaana haddaanu lahayn karti iyo xininyo uu ku qaato qaraar adag inuu Kursiga soo doonto maaha ee waa inuu Bakhaar furto. Qaraarradan qaraarro ka adag baa iman doona markuu Ninku Madaxweyne noqdo oo u baahan inuu geesinnimo la yimaaddo, waayo? Qofku haddaanu geesinnimo la imanayn oo aanu ummadda kiniin qadhaadh siinayn oo ay mustaqbalka u aayaan inuu Kursiga soo doontaba maaha.”
Waxa uu Guddoomiye Faysal oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Markii Boorama la fadhiyey waxa lagu heshiiyey in lagu noqdo 1960-kii, Kitaabkaa hore ee innoo yaallay, waa lagu noqday, doorashadaynu ku galnay oo waynu ku caano maalnay. Immikana waxay ahayd haddaynu tobankaa sannadood wax cusub keeni waynay inaynu kii lixdankii ku tallaabsanno. Laakiin, lagama biqine oo Xal lama waayine xeelad baa ku jirta. Sidaa ay sheegeen labada Guddoomiye Madaxweynaha ayaannu ku soo celinnay, waxa noo shuruud ah Madaxweynuhu waxa uu soo saaro in la is-garab-taago, oo laga tago ku xumee ku jiqsii, ee waa in danta Qaranka la horreysiiyaa. Madaxweynaha mar haddaannu nidhi tali Madax meel ka sarraysaa ma jirtee, taas baannu ku heshiinnay. Madaxweynaha waxaannu ugu ducaynaynaa in Illaahay talada hagaagsan waafajiyo, innaguna Asxaab, Shacab iyo Saxaafad is-daba-taagno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda Maxamed Faarax Xirsi iyo Guddoomiyaha Dalladda Ururrada aan dowliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil, kuwaasoo iyagu qayb ka ahaa heshiiskan Xisbiyada oo ay diyaariyeen Shirarka iyo Kulammada qaraarkan lagu gaadhay, kuwaasoo sheegay in masuuliyaddoodu tahay ku ilaalinta qodobbadaas ee Xisbiyada iyo Xukuumadda iyo dardar-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca 2017-ka.

Xigasho ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews