berberatoday.com
Macalinkii Waynaa Ee Nuux Axmed Ismaaciil Oo Xanuun U Jiifa Cusbitaalka Hargaysa, Boqolaal Arday Ah oo Booqday
August 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Barrihii Dureed ee in ka badan Konton-sano Macalin ka soo ahaa dalka ayaa, mudooyinkii u dambeeyay xaalad Caafimaad oo lasoo daristey u jiifey Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa,halkaas oo ay ku booqdeen boqolaal kamid Ardeydii wax kusoo bartey Dugsiyada kala duwan ee dalka.

Boqolaal ka mid ah Ardeydii wax ku soo bartey Dugsiyada sare ee dalka oo isugu jira rag iyo dumar ayaa, maalmihii u dambeeyay ku booqanayay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa Macalin Nuux Axmed Ismaaciil oo xaalad caafimaad oo adag loo dhigay todobaadadii u dambeeyay Cusbitaalka Hargaysa, kadib markii ay kaga xog heleen Baraha Facebook ee lagu kulmo oo ay soo dhigeen qaar

ka mid ah Ardeydu,waxaanay  Ardeyda Cusbitaalka ku booqdey Macalinkoodu u muujiyeen dareen ku sahabsan sida ay uga calool weydsan yihiin xaalada lasoo daristey ee Caafimaad iyagoo illaahey uga baryey in uu Caafimaad sareecan ah siiyo oo ka dulqaado xaalada uu kujiro  waxaaney geesta kale  ka xumaadeen in aaney Wasaarada Waxbarashada iyo masuuliyiinteeda kala duwani wali gudanin kaalintii uu ku lahaa Wasaarada iyo doorkii uu kasoo qaatey Waxbarashada Ardeyda iyo Macalimiinta Somaliland labadaba.

“Runtii ragga iyo dumarku wey kala naxariis badan yihiin hadii ay maanta Wasiir Samsam joogi laheyd Wasaarada Waxbarashada anagoo gabdho ah ayaa wargalin laheyn Macalinka intaananu wargalina iyadaaba u iman laheyd halkaa Cusbitaalka laakiin madaxda Wasaarada Daa,uud oo kaliya ayaa hadalhaya ayaa layidhi waxaanu ka codsaneynaa in Masuulyiinta Wasaaradu macalinka soo booqdaan oo ka war helaan xaaladiisa waxa soo booqanaya Ardeydii oo kaliya”Sidaa waxa tidhi Ayaan Axmed oo kamid ah Ardeydii Dugsiga sare ee Faarax-Oomaar ku dhameystay Waxbarashada.   Barihii Dureed Macalin Nuux Axmed Ismaaciil ayaa kamid ah Macalimiinta ugu da,da weyn Wasaarada Waxbarashada Somaliland ee wax soo barey jiilal kala duwan oo Ardey,Macalimiin iyo masuuliyiinba leh.

 

Bahda berberatoday waxay illahay uga baryayaan inuu caafiyo macalinkaa oo wakhtigiisa ubadan galiyey umadan inuu ileyska ushido oo waxbarashada somliland guud ahaan ka qeyb qaatey

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews