berberatoday.com
Musharraxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Kulan Casho Sharafeed ah ku maamuusay Masuuliyiinta Qaaradda Yurub iyo Taageerayaashiisa Dibeda+ Nuxurka Khubad uu ka jeediyey iyo Weedhihii Masuuliyiinta kaga dareen celiyeen….
August 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Musharraxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Kulan Casho Sharafeed ah ku maamuusay Masuuliyiinta Qaaradda Yurub iyo Taageerayaashiisa Dibeda+ Nuxurka Khubad uu ka jeediyey iyo Weedhihii Masuuliyiinta kaga dareen celiyeen….

1

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa xalay kulan Casho sharaf ah ku maamuusay Masuuliyiinta qaaraddaha Adduunka ee Xisbiga Ucid iyo qaar kamid ah Taageerayaashiisa Qurba jooga ah ee Xisbigaas. Kulankan Cashadda ah oo ka dhacay Huteel Summer time ayey xubnaha kasoo qaybgalay iska xaal wareysteen Xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale tan Xisbiga Ucid.

Ugu horreyn kulankaa waxa ka hadlay Safiirkii hore ee Somaliland waddanka Norway Ambassator Maxamed Liina, kaasoo Musharraxa Madaxweynaha ee Ucid uga mahad-celiyey casuumaddaa cashadda ahayd ee uu sameeyey, waxanu sheegay in dalka Somaliland u baahan yahay hoggaamiye Maskax  furan oo da’yar oo aqoonteedda leh, kaasoo mideyn karaa qaranka Somaliland waxanu yidhi, “ Runtii Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye aan qabiil aqaan, aqoon leh oo isku wadda dalka iyo dad-kaba, waayo dhaqaalaheenu wuxu u baahan yahay cid si wanaagsan inoogu maamusho oo cashuurta Hay’addaha oo la xisaabtantaa”.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Qaaradda Yurub ee Xisbiga Ucid Siciid Maxamed Aamiin kasoo ka warbixiyey Xalaadda uu hadda ku sugan yahay Xisbiga iyo tii uu maalmo ka hor ku sugnaa, isagoo Taageerayaashiisa dibedana ka Codsaday inay Xisbiga Ku samraan oo aanay Tareenka ka deggin, waxanu hadalkiisa ku bilaabay. “sidaad ula socotaan Xisbigu xaalado badan ayuu soo maray waxanu u kala fadhiyaa laba garab, waxana meesha ka baxday waxyaabo badan oo iskugu jiray been, malo awaal iyo awood sheegasho uu soo farraqaayey Ninka Gudoomiya ahi, maadaama oo ay Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Asxaabtu soo saareen Xukun, waana aragteen in Xisbiga loo kala leeyahay 50 % Loo kala leeyahay, inkastoo uu isaguu aad u neceb yahay kalmadda kala badh. Insha alla boqolkiiba boqolna way imaan doontaa. Qoloyinkiina qurbaha ka yimi waxan doonayaa inaan Idin gaadhsiiyo anigoo aad idiin soo dhoweynaaya, qurbaha marka lagu noqdo waynu is ognahay oo xooga yar oo xan ah baa jira oo waxa la yidhaa Xisbigii Ucid waa la isku haystaa, taasina waxay keenaysaa shaki oo waa inaynaan Tareenka ka boodin, qaar horaba way ka boodeene Tareenku meel fiican ayuu istaagayaayee”.

Ayuu yidhi Gudoomiyaha Qarada yurub ee Xisbiga Ucid Saciid Maxamed Aamiin waxanu intaa raaciyey. “Shirweyne ayaa inoo soo socdaa garabkani waxay gudbiyeen shanti Xubnood ee looga baahday, markaa waxan idinka Codsanaynaa inaad noo samirtaan Ilahaynaa kuwa samra ayuu la jiraa, dadku waxay ka shakiyaan waar waxan aad ka shaqeynayso (Xisbiga) oo hadhowto laga tagaa oo dad kale loo yeedhaa, u maleyn maayo in Musharraxeenu taas sameynaayo, qof walibana wixii uu ku taray Xisbiga ha yaraato ha badnaato Aabaal marinteeda Insha alla oo uu ku farxo wuu helayaa. Markaa walalayaal nagala shaqeeya intaad halkan joogtaan iyo hadhow oo aad noqotaanbaa waanu idiin baahan yahay Musharraxeenu iyo xisbiguba in la dardar geliyo hawlaha”.

Sidoo kale, waxa Munaasibadaas Cashadda ahayd ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasin taasoo waxanay dalka kusoo dhoweysay qurba jog badan. “marka hore waan idiin soo dhoweynayaa oo dalkiini aad kusoo laabateen, waxana Maanta ay Somaliland u af duuban tahay 300 oo Nin oo qaybina tahay Siyaasiyiin qaybina tahay baayac Mushtar. Maanta dalka waxa ka jiraa Sixir baraar badan Cid naga qabaneysaa ma jirto waayo Ninka Ganacsadaha ahii isagga ka cawaan disan oo ka awood badan Xukuumadda, wax la kordhiyo mooyaane wax hoos loo dhigo oo la jebiyaa  dalkeena kama jiro, haday shidaal tahay, hadday Cunto tahay iyo hadday Laydh tahaybaa. Waxa jiraa dad aynaan dooran oo hoosta inaga Maamula, markaa ma waxa dalka iyo dadka u naxaaya Ninka Ganacsadaha ah ee laga sii amaahday 300 ee kun Dollar ee Kaambeyn lagu gelayo. Waxa keliyaa ee Somaliland ku faantaa waa qurba joogga, oo waxaad ahaydeen dadkii cagaha u dhigay Somaliland xilliyadii adkaa, imikana weli hawshii idinkamay dhamaanini, isbedelkana anagu waxanu aaminsanay inaad leedihiin %70 ka qayb qaadataan, anaguu waxanu nahay dhinaca Fartaa iyo kasoo kacaydaa hoose waanu ka adag nay, waxanan idiinku boorinayaa inaad ka feejignaatan kala qaybintaa, danteenu waxay ku jirtaa yaa wax inoo qaban karaa iyo yaa inaa maamuli karaa?.  Waxana maanta socotaa kala qaybin dadka lagu waddo oo Kii Lacagta waxku arkaayeynaa Lacagta la tuso kii qabyaaladana qabyaalad loo sheego, Nin walbaa wuxuu fahmaayey ayaa lagu kala kexeynayaa dadlkii. Markaa maanta wax badan ayaa dalkeena ka jiraa oo dad-ba la iska xidhxidhayaa, qaarbaa hadalkii lagu nafisaayeybaa loo diidan yahay oo lagu tacadiyayaa. waxanan Ilahay idiinka baryeynaa inuu nabad gelyo dalkiini idiinku celiyo, deedaalkiinana halkaa kasii wadda”.

Waxa kaloo halkaa ka hadashay Lataliyaha arrimaha dibeda Musharraxa Madaxweynaha Ucid Marwo Saamiya Muuse oo sheegtay inuu Xisbiga Ucid astaantuusu tahay cadaaladda balse hoggaankiisa aanay ka dhab ahayn ku dhaqankeeddu.  “maanta waxay noo tahay farxad aad u weyn kulankeenan, runtiina Xisbiga Ucid in badan ayaan kusoo jirnay halgankiisa kasoo qayb qaadanay, aniguu waxaan ahaa qofkii ugu horreeyey ee warqad la iskaga soo qoro, marnaa kuma fekerin inaan Xisbiga ka tago ama meel kale aan ku wareego, waayo mar kastaa waxaan oggaa inaan xaqa ku taaganahay, mana jecli inaan laba garab u kala qaado Xisbiga Ucid,laakiin duruftii ayaa ka dhigtay, markaa uu magac ahaan uu Xisbigu yahay cadaalad iyo daryeel anigu Samiya ahaan kumaan guuleysan xisbiga gudiihiisa. Mar kastaa markaanu u dhowaano guusha (Ucid) ahaan waxa na khalkhalinaayey oo dib noo celiyey Gudoomiyaha. Laakiin waxan ku faraxsanay ilaayo intii khilaafku bilaabmay maan arag qof yidhaahdaa xilka waan iska casilay ama waan ka tagay oo niyad jaba, taasina waxay caddeynaysaa in Mabda’a dadka xisbiga ka tirsan uu ka dhab yahay kuligoodnaa ay diyaar u yihiin isbedel”.

Gabo-gabadii waxa kulankaa cashadda ah ka hadlay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen o si weyn ugu mahad sanaqay marti sharaftii uu cashadda ku maamuusay. “in badan ayaad nagu casuunteen qurbaha oo aad ayaad u mahadsan tihiin, wanaan idiin soo dhoweynayaa, anagoon la mid noqon Karin sidaa sharafta leh ee aad maga yeeshan markaanu idiin nimaadno. Dalkuna waa dalkeenu oo waa meeshaad kusoo noqonaysaan waxanaynu jecel nahay inaynu dhisaano oo dad wanaagsani inoo maamulaan. Qaran-na markaa la dhisaayo haddaan Madaxdiisu hagaagsanayn umad hagaagsan heli maysid. Waana markii ugu horreysay ee aan arko Somaliland oo dabaqado kala noqotay, idiinku waad is abaabushaan oo laf dhabaar ayaad u tihiin, waxaan u malleynayaa wxaad kaga jirtaan halkii berigii hore Xooluhu kaga jireen meel ka sarreysaa. Xaggaa Siyaasaddana qurba joogii qayb ayey ka qaataanoo waxay taageeraan kolbaa meesha ay dan u arkaan. Siyaasada dalkeenu waxa lagu haystaa af duub oo qori isku dhiib ayuu noqday, waxana afduubay koox aan dooneyn inay dibed usoo baxaan. Waxana dagaal la igu hayey shan sanadood ilaayo aan ka gun gaadhaayana waan joogayaa, in kastoo Soomaaliaddu odhan jirtay “inkastoo Nin Geesiya Raggu Geed adeg yahay haddaan gabarka lala qaban Guri Oddo maayee”…dalkuna waxa uu hagaaga marka ay halka ugu sarreeysaa ay hagaagto. Waxan tihiin dad indhahooddu furan yahay oo doonayaa inay dalka ka dhaliyaan isbedel Siyaasadeed oo Curtaa. Waxanaan Idin sheegayaa Taageerada aad I haysaan inaan diin ogahay, weliba uu Ninka Naasir la yidhaahdaa ee tiriyey gabay dheegga Beerka ka ogsooni aad moodo inuu calooshayda ku jiray, “Bawdada markaan ka jabay iyo boqonka taagiisa, raggii iyo dumarkii baraarka I qalee Baantay Lafahaygaa  Beerka ka ogsooni. Kolkuu Ebbahay isoo baxshee iskugu kay beeggo Abaal badh ah, abaal badh iyo dheeraad ah, Ninbaa kaan ku soor beerka ka ogsooni”.  Ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.   Waxa kaloo iyana goobta hadallo ka jeediyey Abwaan Cabdi Good abees iyo qaar kamid ah qurbaa joogga oo ku dheeraaday wacdiga dalka ka jiraa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews