berberatoday.com
Wasiir aan waligii arag meel badi tahay oo badii Berbera saxeexay iyo fadeexdaha ku gadaaman
August 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

MaxamedMuuseAbees
Wasiiru dawlaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa saxeexay heshiiska la doonaayo in laga soo ansaxiyo golaha wakiilada, heshiiskaasi oo ah hashiiska rasmiga ah ee lala galaayo shirkada DP World ee lagu wareeji doono gacan ku haynta dekada Berbera mudada 30-ka sanadood ee soo socda.

Heshiiskani uu saxeexay Maxamed Muuse Abees ayaa waxa ganafka ku soo dhuftay mareeyaha dekada Berbera oo sheegay in aan la saxeexi karin heshiiskaasi iyada oo laga bedelo hal qodob oo uu ku tilmaamay in shicibka Somaliland lagu xadaayo, arinta saxeexa gudoomiyaha dekada Berbera Cali Xoor xoor ayaa waxa magaalada Berbera ugu tagay dhowr wasiir oo uu hor kacaayay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi, kuwaasi oo faro madhanaan kala soo laabtay aakhirkii.

Sidoo kale ilaa xalay iyo shalay waxa heshiiskaasi diiday in ay saxeexaan madaxda dawlada ku jirta ee ka soo jeeda gobolka Saaxil iyo madax kale oo kuwaasi ku dhow dhow, waxana arintani ku dhiiraday wasiiru dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, oo hore ugu kaftamay in aanu waligii arag meel badi tahay kuna dar bada Berbera oo magaalada Hargysa xoogaa masaafad ah u jirta wasiir Maxamed Muuse Abees ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa.

Warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaaya in saxeexa uu Maxamed Muuse Abees saxeexay heshiiska loo gudinaayo maanta golaha wakiilada uu ku dhaliyeen wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo wakiilka Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Baashe Omar Morgan.

Dhanka kalena waxa bilaabmay iibsiga xidhibanada golaha wakiilada ee la doonaayo in ay heshiiskani durduro ku ansaxiyaan, waxana la gudboon xildhibaanada in ay Ilahay ka baqaan arintana si qoto dheer looga doodo oo aan duuduub lagu ansaxinin qaladaadka ku jirana laga saaro oo lagu daro waxa ka dhian heshiiskaasi, waana in ay xildhibaadau ogaadaan in wakhtigoodii uu ka hadhay wax yari oo ayna dalka kaga tagin magac xumo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews