berberatoday.com
Wasiiradii Madaxtooyadu Udirtey Xalinta Xiisada Dekadda Berbera Oo Faro-madhan La Noqday+Cali Xoor-xoor Oo ku Gacanseydhay Saxeexa Nuqul Kamida Heshiiskii Dp World Ee Golaha Wasiiradu Ansixiyeen.
August 3, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Weftigii ka socday Xukumada Dhexe ee uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ee Magaalada Berbera u joogay Xalinta Khilaafka ka dhashey Heshiiska Xukumadu ay la gashey Shirkada DP World ayaa Safarkoodii Saaka uu soo dhamaadey, iyagoo ku soo guryo noqday Dhinaca Caasimada Somaliland Ee Hargeysa,

calo xoo

Weftigu intii aaney Ka soo bixin Magaalada Berbera,wararka naga soo gaadhaya ayaa Sheegay in habeen kii Xaley Ahaa Abaaro 1:00 Hbeenimo xarunta qasriga Madaxtooyda Berbera ay Jilbaha isku dareen Xubnaha Weftiga oo ka koobnaa Wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Qorsheynta, Arrimaha Debadda, iyo Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada oo dhinac ah iyo Mareeyaha Guud ee Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor) waxaaney xogaha Shabakada Mandheera ay helaysaa tibaxeen in kulankaas weftigu usoo bandhigeen mareeyaha Dekadda Berbera inuu Saxeexo qayb kamida Heshiiskii Dhawaan ay Ansixiyey Golaha Wasiirada Xukumada Madaxweyne Silaanyo, heshiiskaasi oo uu markii hore Mareeyuhu uu kamid ahaa masuliyiintii loo xilsaarey Shirkada DP World inay kale xajodaan, balse Aanu hore u saxeexin Markii Dubai la joogay,waxaaney xoguhu ay raaciyeen inuu hore u saluugey Qodobo kamida Heshiiska, qodobadaasi oo laysku ogaa wax ka badalkiisa,in dib loogu noqdo Dubai, balse aaney Wasiiradani aaney dhagjalaq u siin Mareeyaha diidmadiisa,kuwaasi oo la sheegay in aan qaranka somaliland Dani ugu jirin iyo Shacabka Somalilandba.

Waxaaney Xoguhu intaasi ku Dareen in Mareeyaha Dekadda Berbera uu Diidey inuu Saxeexo Heshiiskaasi iyagoo ku qanciyey inuu saxeexo balse uu ka codsadey inuu iska Soo akhristo,kaasi oo gurigiisa la tagey habeenkii xaley ahaa, waxaana xogahaa aanu helnay ay intaasi raaciyeen in abaaro 5:00 Subaxnimo ee saaka intii aaney Weftigii wasiirada ahaa ee xukumadu u dirtey berbera aaney ka soo bixin, ay guriga uu ka degan yahay Mareeyaha Dekadda Magaalada berbera ugu Tageen, kuwaasi oo ka doonaya inuu Saxeexo Heshiiskasi, waxaaney xoguhu raciyeen in Afar Xubnood oo katirsan Wasiiradaasi ay guriga ugu galeen Waa Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi,Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aden,iyo Wasiirka Qorsheynta Cali Shoombe,halka Cali Sandule uu guriga Dabadiisa istaagey oo aanu gudaha u galin guriga Mareeyaha Dekadda Berbera.

Kadib waxa dhacday in Muran Xoogani uu dhexmaro mareeyaha Dekadda Berbera oo Wasiiradani ay ku dirqiyeen in Heshiiska Barlamaanka la horgeynayo uu Caqabad ku yahay Saxeexiisu, Waxaanu Mareeye Cali Xoor Xoor si cad u diidey inuu Saxeexo, isagoo ku tiraabey hadalo ay kamid yihiin, haddaad doontaan imika Erigayga soo qora walaahi inaan saxeexan Heshiiskaasi, ilaa laga badalo qodobo, anigana aan qalinkayga qaranka lagu dhaceyn,orda oo soo magacawda qof idiin saxeexa”

intaasi ka dib Waxa Wasiiradiii guriga mareeyaha ku Gudey ay bobeen Albaabka hore ee laga baxo fayaaradiisa isagoo cali sandulena baasha ka sii raacey, waxaaney xogaha aanu helnay intaasi ku dareen , in weftiga wasiiradu ay si habaqle ah uga baxeen Magaalada Berbera, iyagoo ka murugeysan Mushkiladaha isbarkan ee safarkooda ku kulmey.

Si kastaba ha ahaatee Safarkan Guuldarada ah ee ay Berbera kale noqdeen Weftigan u socday inay indhosarcaad u dhigaan Barlamaanka iyagoo doonaya inay yidhaahdaan,waxaanu soo xalinay Khilaafkii iyo qayladii ka taagneyd Berbera, ayaa la guryo noqday mid ka duwan, oo ay Cagaha kaga jabeen kadib markii ay qoylo daran iyo Dood Macquul ah oo ay wayeen qancinteeda kale kulmeen Shaqalaha Dekadda berbera,gaar ahaa Ururada Muruqmaalka sida Stevedoring,Geel A, Geel B.

 

 

 

Xigasho Mandheeranews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews