berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan Ee Somaliland Oo Soo Saartay Warbixintii Afar Biloodka Ahayd
August 3, 2016 - Written by Berbera Today

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay soo saartay warbixin afar bilood leh oo ay ku faah-faahinayso xadhiga iyo dacwadaha ka dhanka ah suxufiyiinta  

War-bixin afar bilood leh ah oo ay maanta soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay sheegtay in afartii bilood ee u danbeeyey (laga soo bilaabo April ilaa August 2016) la xidhay sagaal (9) suxufi. Halka ay hada dacwadi ku socoto todoba (7) suxufi.

Warbixinta ay soo saartay Xaruntu waxaay sheegaysa in shan dacwadood oo ciqaab ah oo cusub lagu soo oogay suxufiyiin afartii bilood ee u danbeeyey: Maxamed Cumar Jaray, weriye ka tirsan Boramanews, waxa xukuntay bishii May Maxkamadda Gobolka Awdal, Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafa-tiraha Foore, Ibraahim Cusmaan Axmed, tafa-tiraha Hangoolnews, iyo Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, waxa dacwado ciqaab ahi kaga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Sidoo kale, sadex suxufi oo dacwadohoodu bilaabmeen ka hor April ayaa weli dacwadohoodu ka socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Sadexdaas suxufi oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad , Siciid Khadar Cabdilaahi, tafa-tiraha Hubsad, iyo Muuse Faarah Jaambiir, gudoomiyah wargeyska Ogaal.

Waxaad halkan ka heli kartaa warbixinta oo dhamaystiran:http://www.hrcsomaliland.org/publication/190-august-2016-human-rights-centre-quarterly-report-on-media.

Talo-soo jeedin:

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Xeer-ilaaliyaha Guud inuu:

  • Joojiiyo dacwadaha ciqaabta ah ee u ku soo oogayo suxufiyiinta iyo xadhiga suxufiyiinta;
  • Ogolaado in warbaahin cusub la furan karo iyo in kuwa jira cid lagu wareejin karo;
  • Ka qaado xayiradda wargeysyada xayiran ee Hubsad, Codka Shacakba, Xog ogaal iyo Haatuf;
  • Dib ula noqdo dacwadaha ciqaabta ah ee uu ku soo oogay suxifiyiinta hada dacwaddu ku socoto.

 

Garsoorka:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Garsoorka inay:

  • Joojiyaan adeegsiga ay u adeegsanayaan Xeerka Ciqaabta suxufiyiinta, waxaay sidoo kale kula talinaysaa inay adeegsadaan Xeerka Saxaafadda iyo dastuurka.

Ururada Bulshada Rayidka ah:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa ururada bulshada rayidka ah inay:

  • Taageeraan suxufiyiinta Somaliland iyo warbaahinta;
  • Inay taageeraan in la joojiyo ciqaabta lagu soo oogayo saxaafadda iyo sidoo kale inay u ololeeyaan in xayiraada laga qaado wargeysayada xayiran.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews