Axmed M. Seed Oo Ka Hadlay Culayska Kaga Iman Kara Murashaxiinta Deegaankiisa Ee Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI Iyo Kalsoonida Uu Ku Qabo Tartanka
August 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay musharaxiinta ku tartamaysa jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani.
Axmed Muumin Seed oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta ay isku yeelanayaan musharaxiinta kale ee deegaankiisa ah kuwaas oo kula tartami doona jagadaasi.
Axmed Muumin Seed oo ugu horayn ka hadlaya shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani mudo badan ayey sugayeen taageerayaasha xisbiga Wadani ee gudaha iyo dibada iyo dadka reer soomaalilandba u dhag taagayeen goorma ayaa la qaban doonaa, arinkaasina waxa uu mid hawshiisa iyo culayskiisa leh laakiin waanu ku dhawaaqnay wakhtiga aanu qaban doono, waxaana haatan inaga xiga mudo laba bilood ah, labadaas biloodna ay socoto diwaan gelinta Laascaanood, markaa waxaanu ku rajo weynahay inuu si wanaagsan oo dimuqraadi noogu dhaco.”