Halka Ay Marayso Qabanqaabada Shir Beeleedkii Siyaasiyiinta Buubaa Iyo Axmed Mire Ka Mid Ahaayeen Ay Ku Dhawaaqeen Iyo Arrimaha Lagu Wado In Lagaga Hadlo –
August 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha galbeedka Burco iyo bariga iyo koonfurta bari ee Hargeysa iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga Ucid ka bixiyey.
Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay cadaadis la sheegay inay xukuumadu saartay sidii aan loo qaban lahayn shirkaasi, balse waxa uu tilmaamay in qaban qaabashada shirkaas ay gacanta u galiyeen madax dhaqameedka ilaa hadana aan wakhti loo qaban.