berberatoday.com
“Hargeysa Muran baa Ka Taagan Oo Way Is-haystaan Axsaabtii Somaliland, Qaarkoodna Waxay Ku Hadaaqayaan Inay Ka Mid Yihiin Soomaaliya..”Axmed Cabdi Xaabsade
August 4, 2016 - Written by Berbera Today

Xaabsade Oo Isagoo Garoowe Ku Sugan Muujiyey Siday Ula Socdaan Murannada Is-biirsaday ee ka taagan Somaliland iyo Qorshihiisa Lidka Ku Ah Qarannimada Somaliland

 

Garoowe(Berberatoday.com)-Siyaasiga Guur-guurka badan ee Axmed Cabdi Xaabsade oo Xilal badan ka soo qabtay Somaliland, balse Sanndkii 2014-kii u goostay Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa hadal uu ka jeediyay Magaalada Garoowe ku muujiyey siduu ugu farasxsan yahay Khilaafaadka kala duwan ee Xilligan ka taagan Somaliland, sida murannada Sharci ee Xisbiyada.

Axmed Cabdi Xaabsade oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Hargeysa muran baa ka taagan oo way is haystaan Axsaabtii (Somaliland) oo qaarkood waxay ku hadaaqayaan inay Hargeysa ka mid tahay Gobollada Soomaaliya oo aanay ahayn mid go’day, waan ku mahadinayaa hadduu Caqligoodii soo noqday oo ay garteen inay Soomaaliya ka mid yihiin.”

Xaabsade waxa kale oo uu sheegay, “Soomaaliya kala gu’i mayso, dadkuna kala maarmi maayo oo meel walba waa la wada joogaa. Reer Puntland baa Hargeysa jooga, reer Hargeysa ayaa Puntland jooga, reer Boorama ayaa halkan jooga, meel kasta ka eega oo Maanta Puntland Cid aan joogin ma jirto, markaa Puntland waan ku hambalyeynayaa inay noqoto hooyadii Soomaaliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa jirta dhibaato taagan oo muddo badana soo socotay, taasina waa dhibaatada SOOL, SANAAG iyo CAYN (Buuhoodle). Dhulkaas wuxuu ka tirsan yahay Puntland, haddana Ciidamo aan Puntland u dhalan baa haysta, waxaan leeyahay taa bal dib aan isugu noqono si aynu arintaa wax uga qaban lahayn, waxaan leeyahay ka tashigeeda hala iskaga yimaaddo oo talo midaysan aan ku qaadano.”

Axmed Cabdi Xaabsade oo is indho-tiraya, ayaa Shacabka Puntland ku waaniyey inay ka tashadaan siday u soo faro-gelinta Gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland, “Arrinka Sool, Sanaag iyo Buuhoodle uma yaallaan Dadka Deggan oo keliya ee waa Arrin Reer Puntland oo dhan u yaalla, Waayo? Beelaha halkaa Degaa Puntland wax bay ka dhiseen, way ku dagaalameen, Dhiigoodaa ku daatay, waxayna galeen Colaad siday Puntland u taagnaan lahayd awgeed, markaa Beelaha Puntland waxaan leeyahay si wanaagsan ha looga wada hadlo sidii aynu dib ugu soo celin lahayn (Dhulka Sool, Sanaag iyo Buuhoodle).” Ayuu yidhi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews