berberatoday.com
Haweenayda Ah Maalqabeenka Bariga Afrika Oo Hargeysa Imanaysa, Ujeeddada Safarkeeda, Kulamada Ay Qaadanayso Iyo Fursadaha Ku Jira –
August 4, 2016 - Written by Berbera Today

Kampala(Berberatoday.com)-Maalqabeenka Bariga Afrika caanka ka ah ee Aamina Xirsi Mooge oo ah gabadh isir ahaan ka soo jeedda Somaliland ayaa lagu wadaa in ay sabtida Toddobaadka foodda innagu soo haya hawlo shaqo u timaaddo magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyada Somaliland.

 

Marwo Aamin Xirso Mooge ayaa qorshaha koowaad ee safarkeedu uu yahay in ay ka qaybgasho kulan muhiim ah oo ay Qaramada Midoobey ku qabanayso magaalada Hargeysa, waxa aanay joogi doontaa laba maalmood ka hor inta aanay noqonna waxa ay kulamo laa yeelan doonta madaxweyne Axmed Siilaanyo, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland iyo ganacsatada.

Marwo Aamina waa 53 jir haysata jinsiyadda dalka Uganda oo ay ku leedahay mashaariic ganacsi oo malaayiin doolar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalada Kampala, guryo raaxo oo la dego, ganacsiga sibidhka iyo qalabka dhismaha oo ay tahay ganacsadaha ugu badan ee Uganda u soo dejiya iyo sidoo kale warshad sonkorta soo saarta.

Majaladda The New Economy ee xarunteedu tahay magaalada London oo ah majallad dunida sumcad fiican ku leh oo sannadkii afar jeer soo baxda kana faalloota ganacsiga ayaa sannadkii 2014kii  Marwo Aamina Xirsi Mooge u aqoonsatay Ganacsadaha Sannadka ee dumarka Afrika. Majaladdu waxa ay Aamin ku tilmaamtay in ganacsigeeda Malaayiinta doolar raasamaalkiisu yahay uu beddelay wejiga magaalada Kampala xilli adduunku uu marayey duruufo adag oo dhaqaale kuwaas oo ka dhashay burburkii dhaqaale ee dunida ka dhacay.

Majaladdu waxa ay sheegtay in ganacsiyada kala duwan ee Aamina ay shaqo u sameeyeen in ka badan 6 kun oo ah dad u badan dumar, waxa aanay si mug leh uga qayb qaadataa arrimaha bulshada iyo samofalka, gaar ahaan waxbarashada hablaha oo magaalada caasimadda ah ee Kampala ay ka geysato gacan weyn.

Haweenaydan ganacsiga ku xeeldheer ee maalqabeenka ahi in ay timaaddo Somaliland oo ay isir ahaan ka soo jeeddo isla markaana kulamo la yeelato masuuliyiinta qaranku waxa ay noqon kartaa fursad looga faa’idaysto maalgashiga oo ah kaalin ka bannaan Somaliland kana mid ah arrimaha uu dhaqaalaha Somaliland u dhutinayo, dhinaca kalana in lagu dhiirigeliyo maalgashi ay ku samayso Somaliland waxa uu tusaale iyo ku dayasho u noqon karaa ganacsato badan oo gaar ahaan kuwa Afrika maalgashada ah, kuwaas oo caadi ahaan la aaminsan yahay in ay shisheeyaha kale kaga fiican yihiin maalgashiga dalalka Afrika oo ay dabeecaddooda iyo nidaamkooda dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed fahmi karaan.

Sidoo kale Marwo Aamina waxa ay xidhiidho badan oo siyaasi ah ku leedahay siyaasadda dalalka Bariga Afrika iyada oo ay dunidu joogto xilli ganacsiga iyo siyaasaddu is gudo galeen, sidaa awgeed isfaham dhex mara Somaliland waxa uu gadhwadeen ugu noqon karaa xidhiidho kale oo siyaasi iyo maalgashi ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews