berberatoday.com
SHIRKA BAXARASAAFKA IYO SAAMIQAYBSIGA KORDHINTA XUKUMADA AYAA KU XIDHAN !!!???.QALINKII MAWLIID AXMED JIBRIIL
August 4, 2016 - Written by Berbera Today

SHIRKA beesha saaxil muxuu kaga duwan yahay hada Shirarka ka socda bariga burco?. Waxa uu kaga gadisan yahay kuwa bariga burco haday xukumadu ogalaato iyo haday diido midna kuma heli karto waxay Rabto, laakiin sobobta loo fasaxay waxa lagu kicinayaa ama taageero wayn loogu samaynayaa Shirka baxarafaaska. Intaa ka dib, Shirka baxarasaaf dhawaaqiisu kamuu duwanayn shirarka beelaha sland. Inkasdoo Heshiiskii Dekada Barbara ee xukumadu la gashay shirkada imaraadka carabta mid lagaga tashayo lagu sheegay. Hadana Heshiiska waxa taageeray GUDIGA BEESHA CIISA MUUSE. GUDIGU WAXAY SHEEGEEN HADII DEKAD CUSUB LA DHISAAYO oo Dekada hore sidedii u shaqaynayso, waanu taageeraynaa Heshiiska, shirka baxarasaafka ee la sheegayo waxba kama jiraan.!!! Sidaa darteed, maadaama xukumada go,aankii uu ku dhawaaqay w/madaxtooyadu ee golaha wasiirada laga Ansixiyay ay ka muuqatay in Dekad cusub la dhisaayo, Tan hore sideeda u shaqaynayso, Maxay xukumadu Gudiga beesha ogu yeedhi wayday, maadaama go,aanka xukumadu la mid yahay kii gudiga ogu Awooda wayn beesha ciise muuse ay taageertay, Gudiga suldaana iyo siyaasi midna kama hor iman karo Arinta ay ogal yihiin sidan Aaminsanahay. mise xukumadu go,aanka ay ku dhawaaqay w/madaxtoyadu ayaa beena sobobtaa ayaa loo qarinayo heshiiska. Hadaba, marxun Gaariye AHN ayaa yidhi,(Waxan ahay Nin Arkaaya, Waxan Oonku u Jeedin oo Kalidii Anfariirsan), ee waxaa isku kay qaban wayday xukumada oo gudiga ciise muuse in ay la tashato rabin go,aankoodana waxba ka soo qaadin oo aan Dareemayo in xukukadu marka ay tidhaa, Beelaha kale way shiri karaan laakiin reer saaxil ma shiri karaan oo Baxarasaafka kuma shiri karaan. Waxan u arkayaa in shirka baxarasaafka xukumadu ay u ololaynayso oo shacabka saaxil laga cadhaysinayo si shirka u wada taageeraan, oo xukumada iyo reer saaxil dagaalka balaadhan ka dhex qarxo. Isku soo wada duuboo, xukumada hadaynu iswaydiino maxaa faa,iido ogu jirta Dagaalka???. Waxan ka gayn waayay Faa,iidada dagaalka Reer saaxil ee xukumadu Rabto siday ila muuqato, maadaama xukumada laga rabo waqtigan in ay Doorasho Qabato, waxa kaliya ee ay kordhin ku heli kartaa in ay tahay dagaal waqtigan dhaca oo ay tidhaa, Doorasho lama qaban karo, maadaama dagaal jiro ee xukumada waqtiga haloo kordhiyo mudo laba sano oo dambe. Gabogabo, xukumadu go,aanka saamiqaybsiga may garan waayin xalkiisa laakiin waqtiga ayay ku luminaysaa. Xisbiyada Qaranku kama hadli karaan mudo kordhinta xukumadu Rabto waa,ayo, CIRO hadii la qabto Doorasho wuu Tartamayaa hadaan la Qabana xilkiisa wuu Haysdaa. Faysal musharax maaha oo hadii la kordhiyo iyo hadaan la kordhin ma kala jacla oo Gudomiyaha ayuu xukumada kula shaqaynayaa. Muuse xukumadu waxay rabto kama hor iman karo oo waa xisbi xaakimkii. Hadaba madaxwayne umada u tudh oo u tudh, ilaahay hadad ka baqayso cuqubadu halkii lagu galay ayay caw ku hurudaa. Umadii ku dooratay xaalad dhaqaalo xumo oo wayn ayaa ku habsatay ee dhibaato kale oo waqtiga lagugu kordhiyo ha abuurin, hadad abuurto dagaal sakeeye kordhinta wuu ka dheeraan oo ilaa habar habar ayuu tegi oo habar magaado ayuu gaadhi doonaa, maadaama Rag balaayada jacal ay arimahaa diyaar u yihiin oo ay aaminsanyihiin in amaah dagaal sakooye lagugu leeyahay!!!!!. ( Dadkan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane, Anon baa damqanayee dheguhu uma daloolaan.)

 

Qalinkii Mawliid Axmed Jibriil

Berbera

Alaa mahadleh.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews