berberatoday.com
Wasiir Waran-Cadde Oo Si Indho La’aan Ah U Horjoogsaday 18-Arday Oo Waxbarasho Bilaash Ah Ka Helay Dalka Suudaan + Sababtu Waa Maxay
August 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cali Waran-Cadde Iyo Tiro Badan Oo Golaha Wasiirrada Ka Tirsan Oo Baasaboorro Ajaanibka  Ah Dunida Ku Mushaaxa, Xilli Shacabkii Loo Diiday Baasaboorkii Keli Ahaa Ee Ay Ku Dhoofi Lahaayeen, Wax Beddel Ahna Aan Loo Haynin….

Hargeysa  (BGM)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si cad isku hor taagay inay dalka ka dhoofaan 18-arday oo waxbarasho bilaash ah ka helay dalka Sudaan, kuwaas oo ku dhoofayey baasaboor Somaliya laga leeyahay oo ay ku qoran tahay in Hargeysa laga bixiyey.

Cali Waran cadde

Ardaydan oo ka baxday dugsiyada AL-HUDA, ayaa madaarka Hargeysa laga soo celiyey xilli soo dhamaysteen dhammaanba wixii shuruudo
ahaa ee u suurto geliyey inay dalka Sudan u baxaan, kadib markii uu wasiirka arrimaha guduhu  ku eedeeyey inay haystaan Baasaboorro  Soomaaliya leedahay oo waliba lagu qoray in Hargeysa laga qaatay.

 

Wasiir Waran-cadde, ayaan haba yaraatee dheg jalaq u siinin soo jeedimo ka imanayey ardayda baxaysay iyo waalidkooda oo sheegayey inuu siiyo Dokument ama Baasaboor kale oo ay midka ay sitaan ku bedeshaan si ay waxbarashada ay heleen u gaadhaan, balse waxa uu ku adkaystay inaanay Baasaboorrada ay sitaan dalka kaga bixi Karin, isla-markaana aanu u haynin wax kale oo ay ku beddelan karaan.

Ardayda ayaa muddo saacado ah la dhex naanaabiyey oo meehanaabayey madaarka dhexdiisa, waxana uu wasiirku amar siiyey waaxda socdaalka Somaliland, kuwaas oo daqiiqado kadib saxaafadda la hadlay, isla-markaana sheegay in baasaboorrada ay ardaydaasi sitaan yihiin qaar sharcdi darro ah oo aan dalka laga oggolayn.

Waaxda socdaalka, ayaa ardayda u sheegay inay aqbalaaan Baasaboor kasta oo ajaanib ah, balse aanay oggolayn midka Somaliya ee ay ku xusan tahay in Hargeysa laga bixiyey,waxana ardaydaas lagu khasbay inay guryahoodii ku noqdaan, isla-markaana aanay ka faa’iidaysan Karin fursadda waxbarasho ee ay ka heleen waddanka Suudaan.

Wasiirrka arrimaha gudaha oo qudhiisu hasta baasaboorka waddanka Djibouti, ayaa u damqan waayey Ardayda yaryar ee kharashka badan gelisay inay waxbarashadaas u baxaan, isla-markaana eegi waayey fursaddan khasaaroobaysa, waxana uu cudurdaar ka dhigtay kaliya diidmo ka dhan ah Baasaboorka Somaliya, isagoo xataa aan ardaydaas u haynin wax beddel u noqon kara.

Wasiir Waran-cadde oo aan awood u lahayn inuu xataa Dawladda Suudaan ka dhaadhiciyo inay aqbasho Baasaboorka Somaliland, ayaa hadana dhego la’aan iyo indho la’aan kaga jawaabay su’aalihii ardayda, isla-markaana ku andacooday  cudurdaarro jaban oo la xidhiidha sababta uu ardaydaas kaga hor istaagay waxbarashada bilaashka ah ee heleen.

Inta ugu badan golaha wasiirrada madaxweyne Siilanayo waxa ay haystaan Baasaboorro ajaanib ah, waxana intooda aan qurbejoogta ahayn oo uu wasiir Cali-warancadde ugu horreeyaa ay haystaan baasaboorka waddanka Djibouti, mana jiro hal wasiir oo taariikhda inta la ogyahay ku dhoofa Baasaboorka Somaliland.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax ku dhiirrasho ah oo ay xukuumaddu ka samaysay sidii Baasaboorka Somaliland loo iibgeyn lahaa, iyadoo sababta ugu weynina tahya Baasaboorrada ajaanibka ah ee wasiirradu haystaan oo hoos u dhigay dhammaan fursadihii uu baasaboorka Somaliland ku socon lahaa, waxana wasiir kasta oo safar u baxayaa hore ka dhiibaa baasaboor ajaanib ah oo si fudud loogu fiiseeyo.

Iyadoo ay sidaas tahay, ayuu hadana wasiirkan haysta baasaboorka ajaanibka ahi si cad isku hor istaagayaa Arday fursadda kaliya ee ay dalka kaga bixi karaan tahay inay Baasaboorka Somalig ah qaataan, waxana xukuumaddii iibgeyn lahayd baasaboorkeedu  door bidaysaa inay ku mushaaxdo baasaboorrada ajaajibka ah ee wasiirradeeda jeebabka uga buuxa.

 

 

 

Xigasho Hubaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews