berberatoday.com
Cali Guray Oo Soodhaweeyay In Dekeda Berbera Shirkadi La Wareegto Xisbiga Waddani Ku Dhaliilay Diidmada Shirkadaas Ee La Wareegida Dekeda Berbera
August 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali) Ayaa Qoraal Uu Soo Dhigay Barta Uu Ku Leeyahay Facebook Waxa Uu Ku Cambaareeyey  Diidmada Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ee Ku Aadan Maalgalinta Dekeda Barbara Isagoo Cali Guray Ku Sababeeyey Mid Uu Xisbigaasi Ku Doonayo Inuu Ku Hanto Codka Iyo Taageerada Bulshada Gobolka Saaxil Isagoo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Horumarkii Qaranka Iyo Hore U Socodkii Dekeda Uu Xisbigani Ku Doorsado Taageero Qabiil,

 

Hadaba Wuxuu Hadalkiisa Ku Bilaabay

 

” Mashruuca DP World hadii ay wax ka qaldan yihiin waxa ka xun in gebi ahaanba la waayo. Taa nasiib darro ka wayni ma jirto aniga xagayga. Reer baa cadhaysan oo taageeradooda lagu helayaa in la diido maalgashiga Berbera ha diido oo isagu ha ku helo ka ku helayaa lakiin aniga taariikhda ii gelimayso in aan ka soo horjeedsaday Maalgashiga DP World mar hadii aanan arkayn wax dhaama oo aan ku doorsado. Hadalka Xildhibaanka iyo inta xisbigiisa ah ee qaylada dheer afka gacanta wada saartay hiil ha u noqoto cidii ay hiil u qaadanayso aniga hadalkaygana ha u qaato ka u qaadanayaa in aan ka hiiliyay. Taariikhda ayaa sheegi doonta.

 

cali guray(10)

 

Mashruucan kuwa dheefta gaarka ahi ugu jirto, way jiraan eh, anigu kuma jiro oo mucaarid baaban ahay. Hadii la waayo lafteedana anigu wax gaar ah kuma waayayo. Xataa hadii la diidayo oo reernimo lagu diidana waa haduu sii go’ay. In badan oo runta og ayaan ku dhici karin inay ka badheedhaan oo meel cad iska taagaan lakiin anigu waan qaldanaan karaa balse weligay wax aan qabo ma qarsan oo ugama waabanin waxa lagu moodi, waxa loo qaadan, hebel iyo reer habel baa ka cadhoon. Mar kasta hadana hadii aan qaldanahay waxaan ogolahay in la i saxo.” ayuu yidhi muj.Cali Guray.


Cali  gurey

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews