berberatoday.com
Ninkii Lagu Eedeeyey In Uu Ka Danbeeyey Af Ganabigii Dalka Turkiga Oo La Soo Jeediyey In Lagu Weeraro Dalka Mareykanka OO Uu Ku Nool Yahay
August 6, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Qareenada wadaadka musaafuriska ugu nool dalka Maraykanka Fethullah Gulen ayaa sheegay in ay u baqayaan noloshiisa kadib inqilaabkii ka dhacay dalka Turkiga bartamihii bishii July dalka Turkiga.

gulen

Dowlada Turkiga ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo Mr Gulen oo ah in uu soo abaabulay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga. Waxayna dowlada Turkiga ay ka codsatay dowlada Maraykanka in ay u soo gacan geliso wadaadka inkastoo wadaadka Gulen uu beeniyay in uu mas’uul ka ahaa afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa waxa ay ku dhowaaqday in xisbiga AK ay xubnaheeda ku amartay in ay xididada u siibaan taageerayaasha Gulen. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Washington qareenada Mr Gulen ayaa waxa ay ku sheegeen in ay rajo ka qabaan in uu wadaadka uu ku sii noolaado Pennsylvania halkaa oo uu musaafuris ku joogo uu uusan magaalada ka cararin.

Mr Gulen ayaa ah qof aan hadal badneyn oo aan la hadlin inta badan saxaafada. Qareenada ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay mid aan suurtogal ahayn in Mr Gulen uu ka helo maxkamad caadil ah dalka Turkiga hadii ay dowlada Maraykanka ay oggolaato in ay u gacan geliso dowlada Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa waxa ay qabqabatay kumanaan ruux oo ay ku tuhmaysay in ay yihiin taageerayaasha Mr Gulen. Mr Gulen ayaa isbahaysi dhow la ahaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan illaa ay labada siyaasi ay is maandhaafaan muddo laga joogo saddex sano. Waxayna dowlada Turkiga ay ku dartay liiska argagaxisada ururka Mr Gulen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews