berberatoday.com
Wasiirka Duulista Oo Safar Kaga Soo Laabtay Dalka Itoobiya Oo Sheegay In Safarkoodu Guul Ku Soo Dhamaaday”
August 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax ayaa safar uu ku wehelinaayey Wasiirudawlaha Wasaaradaasi Axmed Nuur Faahiye ka soo laabtay, safarkan oo ay ku tageen Wasiiradu Dalka Itoobiya gaar ahaan Caasimada Dalkaas ee Adisbababa, ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Madaarka Wasiirku kaga waramay kulamo ay la qaateen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada Itoobiya iyo Safaarada Ingiriiska uu ku leeyahay Dalka Itoobiya.

Wasiir Cumar oo ka hadlaaya arinataasi ayaa waxa uu yidhi:-“Waxaanu Ilaahay ugu mahad naqaynaa in aanu Dalkayagii ku soo laabanay anaga oo caafimaad qabna, waxaanu halkan ka baxnay maalintii arbacadii, oo aanu tagnay Adisababa, oo aanu u tagnay balamo aanu la lahayan Dawlada Itoobiya oo la xidhiidha Wasaarada, si wanaagasan ayey balamahaasi iyo wadahadaladaasi noogu soo dhamaadeen mudadii labada casho ahayad ee aanu joognay, waxaanu is leenahay waad ku soo guulaysateen wixii aad u tagteen, muhiimada wayni waa Dal aynu walaalo nahay oo xidhiidh inaga dhaxeeyo gaar ahaana Wasraada Duulista waxay la leeyihiin xidhiidh qoto dheer oo ah Ethiopian Airline oo ah maanta Albaabka Caalamka inooga furan, ta labaad ee inoo raacdaa waa Fly Dubai, markaa arimo badan oo danaha Qaranka ah iyo danaha Wasaarada xidhiidhka labada Wasaaradood, si guul ah ayey noogu soo dhamaadeen, si wanaagsana waanu isu afgaranay, waxaan aad ugu mahad naqayaa Safaarada Somaliland ee Adisababa inoo fadhida Ambasdoor Adan iyo Qunsulka Ayaanle oo aad iyo aad noogu fudaydiyey balamaha aanu la lahayan Masuuliyiintaas horena noogu sii qabtay .”

Wasiirka oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey waxa ay ka wada hadleen Safaarada Ingiriiska ee Adisababa ayaa waxa uu yidhi:-“Safaarada Ingiriiska Waxaanu ka wada hadalnay, Mucaawimo badan ayey na siiyaan gaar haan Wasaarada Duulista ee Somaliland, xaga Qalabka iyo xaga Tababarkaba, in ay sii xoojiyaan caawimooyinkaas iyo an aanu uga warano xaalada nabad galyo ee Gobolka, inkastoo iyaguba xogagaal yihiin, hadana meesha ay wax noo marayaan in aanu uga warno, wixii dheeraad ah ee ay nala qaban karayaan ama tusaale ahaan ama khibrad u leeyihiin in ay naga caawiyaan, waanu ka wada hadalay, si wanaagsana waanu isu afgaranay.”

Wasiirku waxa kale oo ka jawaabay su’aal ahayad waxayaabah ay isla meel dhigeen Wasiirka Gadiidka Itoobiya ayaa waxa uu yidhi:-“Wasaarada Gaadiidka Itoobiya waanu la kulanay, Wasaarada Gaadiidku waxa weeyaan way balaadhan tahay oo waxaa ku jira Gaadiidka Bada, Cirka, Dhulka, oo intaba Wasiir ayuu u yahay, laakiin inaga Wasaarad ahaan wixii Duulista ah ayaa inaga khusaysa, si wanaasan ayuu Wasiirku noo soo dhaweeyay, si wanaagsana waanu isu afgaranay, waxaanu noo balan qaaday wax Alle wixii uu noo tari karo ama macaawimo ah ama Tababar ah in uu noo qabto, oo waliba isagu uu raadiyo kharashaka ku bixidoona Tababaradaasla bixin doono .”

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews