Wasiiro Uu Hogaaminayo Wiilka Uu Madaxweyne Siilanyo Sodog Uyahay Oo Golaha wakiilada Horgeeyay Heeshiiskii Hordhaca Ahaa Ee Shirkada DP World Iyo Fadeexad Ay Kala Kulmeen Golaha
August 6, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirada Madaxtooyada, Arimaha Debeda, Maaliyada Iyo Qorsheynta Qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan ayaa saaka golaha wakiilada Horgeeyay Heeshiis sharciyada dalka baal marsan oo hordhac ah kana mabnuuca in Golayaasha qaranka la horgeeyo maadama oo aanu ahayn heshiis rasmiya oo uu yahay mid hordhac ah.
Heshiiskan oo ahaa ku xukumada Madaxweyne Siilanyo ee wakhtigeedu sii dhacayaa ku wareejin lahayd Dekeda caalamiga ah ee Berbera ayaa waxa markii la horgeeyay Golaha ka hor akhriyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro oo ku dhawaaqay islamarkiiba in heshiiskani yahay mid hordhac ah oo aan ku haboonayn in golaha la horkeeno sharciyadana uu bal marsan yahay golaha wakiiladana la horkeeni karo oo kaliya heshiis rasmiya oo xukumadu la gashay shirkad ama dal kaas oo ay tahay ina waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan Mudanayaasha golaha wakiiladu.