berberatoday.com
Xarumihii Wasaaradaha Somaliland Oo Shaqadoodii Gabay Maxaad Ka Filankartaa Gobolada Ka Baxasana’’Warbixin Xaalada Dhabta Ah Ee Ka jirta Wasaaradaha Oo Taxane Ah. Qaybtii-Sadexaad
August 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaynu hore u soo wadnay intii la a socotay Warbixino ku saabsan wasaaradaha dawlada Somaliland sida ay shaqadoodii u gabeen isla markaana masuul kasta oo heer wasiir,ku xigeen ilaa Agaasime Waaxeed ay isu siiyeen wasaarada uu mid waliba joogo,waxaana ii suurto gashay in mudo ah oo an ku sugnaa Magaalada hargaysa inaan mid mid u galo uguna kuur galo inta badan Xarumaha Wasaaradaha Somaliland oo badiba wax yar uun u jira Aqalka looga taliyo dalka.
Warbixintani waxay ka daaha ka faysaysaa oo muuqaal ka bixinaysaa baahida ay dadawayanaha iyo dalkuba u qabaan cid hanata shaqada ay gabeen badidaba madaxda loo igmaday xafiisyada heer wasiir ilaa Agaasime, hadaba waxaynu maantana kusoo qaadanaynaa,wasarada Ciyaaraha,Wasaarada Macdanta iyo wasaarada Arimaha Dibada.
Wasaarada Ciyaaraha ayaa iyaduna ah wasaarad uu maamulkeedu aad u liito waxaanay ku fashilantay inay dhamaystirto Ciyaarihii Gobolada Somaliland ee sanadkii 2015 ,waxaanay ahayd wiigii dhawayd markiii Ciyaartoy reer Togdheer ahi ay wasiirka u yimaadeen kalana hadleen arimo ciyaareed Isla markaana uu wasiirka wasaarada Ciyaaraha Somaliland uu ula dhaqmay si anshaxa ka baxsan,wasaarada Doorahada Xidhiidhka kubada oo saacado lagu qabanlahaa ay ku qaadatay Sadex sano waxaan leeyahay Dhalinta beenta ka daaya,Ispotskeenuna hadal uma baahnee hawl ayuu rabaa e taariikh iska reeba waad awoodaan hadii aad daacad tihiin’’Sidaas waxa yidhi Ciyaaryahan Maxamud Kofindha oo ka hadlaya heerka ay wasaaradasi ka taagantahay wax u qabashada Dhalinta ay naafaysay tahriibtu,wasaarada Ciyaaraha ayaan subaxnimadaas wax maamul ah heer wasiir ilaa Agaasime aan midkoodna aanu xafiiskaas kazoo xaadirin mid ka mid ah Shaqaalaha wasaarada Ciyaaraha oo aanu waydinay Madaxdaas ayaa isagoo aad u niyad jabsan ku tiraabay,,waxay jiraan Maansoor Hotel.inagoo kusii siqayna Kormeerkeenii shaqo ee waajibka ahaa waxa iyana wasaaradaahaas ka mid ahaa aan subaxnimadaas cagaha galinay wasaarada Macdanta ,wasaaradaasi ayaa iyadu waxay afaafka ku haysaa Madaxtooyada somalilland sidaas awgeed muuqaalkeeda dhisme ayaa ah mid aad loo qurxiyay si ay indhaha cida ka arimisa aqlkaaasi ay u arkaan marka uun dibada ay u soo baxaan,wasaaradani ayaa iyadu waxay Bulshada ugu Magacaabantahay Macdanta oo ah shaqo had iyo jeer xaasaasi ah,waxaanay madaxda wasaaradaasi ku calaamadsantahay inaan Hoolka wasaaradaasi aan cidi galin hadiiba ay shaqo kasta oo muhiin ah u leedahay marka laga reebo cid gaar ah oo xidhiidh hoose la leh Wasiirka iyo Madaxda kale waxaana hadiiba aad waydiiso Gaadhka kadinkaas oo aanu xataa Joogin wasiirku waxaa sahqaalahaasi la faray inay yidhaadaan wuu joogaa lakiin cid balan la leh mooyee loo galimaayo,wasiirkaa wasaaraadasi ayaa in badan waxaa lagu eedeeyay inuu musuqmaasuq baahsan ku kaco,kaasi oo ku sal lahaa heshiisyadii shidaal baadhista,waxaanu wasiirkaasi sabab u ahaa xadhiga wargayskii Haatuf.
Wasaarada Arimaha Dibada ayaa iyana leh dhaqanada wasaaradaasi Macdanta waxaanay dadku baahi u qabaan in ay helaan adeega iyo baahidii ay dabooli lahayd wasaaraddaasi maadaama in badan oo bulshada ahi ay u baahanyihiin baahi caafimaad oo dibadeed,Ma joogo wasiirkii laakiin waxaa jooga wasiirku xigeenkii laakiin loo gali maayo qof uu yidhaahdo telefoonka iigu soo daaya oo isagu doonayo mooyee,sidaas waxa noogu jawaabay mid ka mid ah ilaalada wasaaradaasi oo,wasiir ku xigeenka oo aanu telfoonkiisa garaacnay ayaan isna jawaab nasiin ka dib markii uu naga qaban waayay.
Inta maanku gaajaysanyahay Guuli waa wali.umadani goormay helaysaa cid u adeegta.
Lasoco
Axmed muuse Maxamed(Sakaaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews