berberatoday.com
Fallo Dawlada Itoobiya Oo Qarka U Saaran Burbur + Shacabka Oo Gadoodsan Iyo Wararkii Ugu Danbeyay Ee Laga Helayo
August 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Bannaanbaxyo waaweyn oo dalka Itoobiya ka dhacay Axaddii, oo ay  ka qayb qaadanayeen  kumannaanka ruux ee ku nool magaalada Gondar ee gobolka Amxaarada ayaa noqday tusaale naadir ah oo loo soo qaadan karo mudaharaadyada dalkaasi ka dhacaya ee dawladda lagaga soo horjeedo.

itoobiya

Bannaabaxa ayaa laga abaabulay baraha bulshada xiriirto, balse kooxina ma aysan sheeganin masuuliyadda dibadbaxaas oo imaanaya laba todobaad kaddib markii uu isla magaaladaas ka dhacay mudaharaad ay ku dhinteen 15 ruux kuwaas oo isugu jiray shacab iyo laamaha ammaanka.

Mudaharaadyadan u dambeeyay waxay salka ku hayaan kaddib markii bulshada Amxaarada Welkait oo hadda hoostagta gobolka Tigray ay dalbadeen in dhulkooda la hoosgeeyo maalmulka gobolka Amxaarada oo aysan dooneynin inay hoos tagaan Tigreega.

Amxaarada ayaa dalka soo maamuli jirtay, luuqadooda ayaana ilaa iyo hadda ah mid laga isticmaalo dalka Itoobiya intiisa badan, waana qowmiyada labaad ee ugu badan Itoobiya. Oromada oo ah qowmiyada koowaad ayaa iyaduna bannaanbaxyo rabshado wada ka dhigtay dhowaan.

Macalim Culuumta Siyaasadda dhiga oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay wajaheyso mustaqbal aan caddeyn, haddii ay qaban weyso doroasho xor iyo caddaalad ah.

Bare Culuumta Siyaasadda dhiga oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay wajaheyso mustaqbal aan caddeyn, haddii ay qaban weyso doroasho xor iyo caddaalad ah.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ay qabanayaan dibadbax ay ku baaqayaan in is-beddel lagu sameeyo dowladda, sababta oo ah caddaalad darro ka jirta qeybinta kheyraadka dalka.

Getachew Metaferia, oo ka tirsan jaamacadda Morgan State University ayaa sheegay in sababta banaanbaxyada Gonder iyo kuwii sanadkiii hore ee gobolka Oromada ay qeyb ka yihiin nidaamka Federaalka ee Ethiopia.

Metaferia ayaa sidoo kale sheegay in sababta kale ee kacdoonka ka jira Ethiopia uu yahay wax uu ugu yeeray xaaladda dimoqraadiyadda Ethiopia oo sii xumaaneysa.

“Ma jiro cid difaacda xuquuqda aadanaha, ma jirto xorriyad hadal, ama mid warbaahineed” ayuu yiri.

Madaxa xafiiska isgaarsiinta ee gobolka Amxaarada, Ngusu Tlahun ayaa sheegay in dibad babaxayaashu ay dalbanayaan in gobolkooda la hormariyo iyo maamul wanaag, haddii dowladduu ay arrintaas wax ka qabatana wax walba ay xalismayaan.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegeysa inuusan jirin kacdoon, balse ay arrinmahan wadaan shaqsiyaad yar oo ay ugu yeertay argagixiso oo taageero ka helaya dowladda Eritrea

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews