berberatoday.com
Hargeysa”Hilbo Dad Oo La Jarjaray Oo Lagu Soo Daadiyay Agagaarka Guriga Madaxweyne Kuxigeenka Oo Fajac Iyo amakaaga Bulshada Ku Riday
August 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Daraasiin Baco ah oo ay kujiraan hilbo jar jaran iyo Timo loo malanayo inay Kuwo Bini-Aadam yihiin ayaa lagu soo daadiyay mid ka mid ah Jidadka Halbawlaha ah ee Xaafada Shacabka ee Magaaladda Hargeysa,waxa kale oo goobta Hilbahaasi lagu soo daadiyay yaalay oo lagu arkay Golofisyada Qaliinka lagu galo oo aad u badan kuwaasi oo aragagax ku riday Dadkii la kulmay dhac dadaasi la yaabka leh.
Sida Wariye Wargeyska Foore ka tirsani uu indhihiisa ku soo arkay,waxa Hilbahani lagu soo daadiyay Jidka hor mara Guriga Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ee kuyaala Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa,gaar ahaa marka Jidkaasi wax yar dhinaca Woqooyi loo socdo waxaanay dhinaca ku haysaa goobtaasi Masaajidka Ganacsade Baxsane ka dhisay Xaafadaasi ee dhinaca Bari kaga dhegsan Jidkaasi,waxa sida la sheegay hilbahaasi la soo dhigay Habeenimadii Xalay waxaana ku xoomay oo marba dul imanayay Dadka jidkaasi marayay oo ay dhacdaasi dareen gaar ah ku dhalisay.
Hilbahan iyo Golofyadan goobtani lagu arkay ka sokaw waxa dareen cabsi leh dadkii dhacdadaasi arkay ku dhaliyay Timo dhaadheer oo kuwo Bini-aadamka ah oo Qashinkaasi la socday islamarkaana si rucob rucob ah ugu dhex daadsanaa,waxa kale oo cajiib ahaa Golofyadani oo dhiigbadani ka muuqday islamarkaana ahaa kuwa loo isticmaal Qaliinka Bini-Aadamka (Surgery).
Qaar ka mid ah dadka aagaasi ka dhaw ee guryaha ku leh ayaa Wariye Wargeyska Foore ka tirsan u sheegay inay tahay markii saddexaad ee Waxaasi lagu soo daadiyo goobtaasi,waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin inay Walxahaasi yihiin unugyon ka mid ah hilib kuwa bini-aadamka ah oo qaliin lagu sameeyay ama la googooyay balse aanay garan kari jihada laga keenay iyo cida Goobtaasi dhigtaba.hilbo-daadkan
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo booqday goobtani ayaa indhihiisa ku soo arkay islamarkaana Sawiro ka soo qaaday goobtaasi,waxa uu kula kulmay Goobtaasi dad weyne badan oo ka mid ah dadkii jidkaasi marayay oo markii ay arkeen Muuqaaladda iyo hilbahaasi ku oo xoomay.
Hilbahan bacaha ku jiray ayaa u ekaa kuwo dhawaan la farsameeyay waxaanay ahaayeen Kuwo qoyan oo dhiigii uu ka qobanayay.
Maaha Markii u horaysay ee Magaaladda Hargeysa lagu arko Xubno ka mid ah kuwo bini-aadamka oo gudaafad lagu soo daadiyay balse dhawr jeer oo hore ayaa Goobo badan oo Magaaladda Hargeysa ka mid ah lagu soo daadiyay Ilmo aan dhamays ahayn oo xoog lagaga soo tuuray hooyaddii,arintaasi oo ah dhacdooyin inta badan ay isticmaalaan dad xumaan ay ku dhaceen ka cararaya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews