berberatoday.com
Shabakadaha Wararka Ee Madaxabanaan Ee Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshe Ay Wadato Xukumada Somaliland
August 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargaysa (Berberatoday.com)_ shabakadaha madaxa banaan ee Somaliland ayaa ganafka ku dhuftay qorshe ay wadato xukumada Somaliland,kaas oo ay ku doonayso inay ku cabudhiso ka hadalka wareejinta Dekeda magaalada Berbera oo heshiiskeedu hor yaalo golaha Wakiilada Somaliland,Lana filaayo in maalinta berri ah cod loo qaado.

tmp_18517-shabakado-1914676486

Xukumada ayaa ilaa xalay lacago aad u badan suuqa kusoo daysay,iyada oo u qaybinaysay Wargeysyada iyo Telefishanada ka hawl gala Somaliland,si aanay u sii dayn wararka la xidhiidha Dekeda magaalada Berbera oo arrinteedu tahay mid xaas xaasi ah.

Dhanka kalena shabakadaha wararka ayaa iyagu arrintaasi ka biyo diiday,iyada oo ay xukumadu doonayso in aanay wax qoraalo ah ama muqaal ah ka samayn dhacdadaasi wareejinta iyo cod u qaadida heshiiskaasi,waxa kale oo ay xukumadu lacagahaasi ku xidhay in aan la soo xigan Karin cid walba oo ka hor imanaysa heshiiskaasi ansixintiisa.

Geesta kale waxa dareen xoog leh arrintani ka muujiyey shacabka ku dhaqan Somaliland gaar ahaan degaanka Berbera oo toddobaadyadii u dambeeyey laga dareemaayey guux aad u xoogan oo ay kaga soo horjeedaan inay dekedu ka baxdo maamulka iyo gacan ku haynta Somaliland .

Taas oo keentay inay xukumada iyo madaxtooyadu ay wargeysyada iyo telefishanada ay u isticmaalaan qaab weji ku macaash ah oo kale ,kana tagaan ka hadalka iyo tebinta wararka ku saabsan mashruucaasi ,gaar ahaana wararka lagu dhaliilaayo heshiiskaasi.

Sidoo kale waxa goor dhoweyd kusoo gebo geboobay madaxtooyada Somaliland kulan ay lahaayeen wasiiradda ugu faraha dhuu dhuuban mashruucan iyo madaxda wargeysyada Somaliland,kaas oo qaatay muddo saacado ah,waxaana ugu dambayn laysla qaatay in aan la tebin wararka ku saabsan Mashruucaasi iyo waxyaalaha khaldan ee ku jira heshiiska.

Taas bedelkeedana waxa wargeysyada loogu balan qaaday in la siin doono lacag qadarkeedu culus yahay oo loogu talo galay xaqul shah.

Warbaahinta Shabakadaha ka Hawl gala Somaliland ayaa iyagu mawqif cad iska taagey qorshaha ay xukumadu ku doonayso inay ku cabudhiso lacagna ugu bedesho tebinta wararka aanay maqalkooda jeclaysan Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana hadda socda shir ay ku jiraan Guddida Shabakadaha Madaxabanaan ee Somaliland (Somaliland Independent Websites Association),kaas oo la filaayo inay go’aano kazoo saaraan shirkoodaasi.

Liiska ay shabakadaha Sida cad uga hor yimid Go’aankan Hoos Ka Daalaco.

1:Caynabanews

2:Ramaasnews

3:Oodweynenews

4:Somalilandtoday.

5:Ilaysnews.

6:Hangoolnews.

7:Somalilandlive

8:Halgannews

9:Berberatoday.

10:Waaberinews.

11:Maal Channel.

12:Barkulannews.

13:Galool media.

14: Haldoornews

15:Togahereernews

 

Berberatoday.com

Hargeysa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews