WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND MR.CADAANI OO KA CADHOODEY KULAN UU GOOR DHAWEYD WASIIRKA MADAXTOOYADU LA LAHAA MADAXA WARGEYSYADA
August 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com) Warar xogogaala oo aanu goordhaweyd ka helnay qasriga madaxtooyada ayaa sheegay. in uu halkaas maanta ka dhacey kulan uu wasiirka madaxtooyadu la lahaa madaxda wargeysyada dalka isla markaana ugu soo bandhigaayey qorshe lagu cabidhinaayo dadka ka hadlaya wareejinta dekada Berbera
Kulankan oo goor dhaweyd lagu soo kala dareeray isla markaana loo balamey kulmo kale oo danbe ayaa intii aanu kulankani dhamaan waxaa madasha soo galay wasiirka Warfaafinta Mr.Cadaani isla markaana waxaa uu wasiirkani ka cadhoodey sababta uu wasiirka Madaxtooyadu kulan aanu ogeyn uu ula yeesho warbaahinta isla markaana uu ku sifeeyey in isaga la gacan dhaafey .
Wasiirka madaxtooyada oo isagu lahaa dalabka ah in uu la kulmo madaxda wargeys yada dalka ka soo baxa ayaa wasiirka ku war galiyey in ay saxaafadu cid walba la kulmi karto oo aanay wasiir u xidhnaanen isla markaana hadii uu rabana uu kulankan ka soo qeyb galo hadii kalan uu iska baxo taas oo uu wasiir Cadaani sandule ku noqotey n uu kulanka fadhiisto oo uu ka soo qeyb galo