berberatoday.com
Xildhibaan Guurtida Ah Oo Sheegay In Heshiiska Dekaddu Aanu Dhaqan Galayn Ilaa Guurtida La Soo Mariyo
August 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Nabadgalyada iyo Arrimaha Guddaha ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera ee ay shalay Xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay oo aanu heshiiskani dhaqan galaynin ilaa inta la hore keenayo Golaha Guurtida, waxaanu sheegay in qodobka 38, faqradiisa 6, xarafkiisa T uu sheegayo in labada Gole Barlamaan inay xaq u wada leeyihiin ka doodista iyo ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee ay Xukuumaddu gasho, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in Golaha Guurtida la hor keeno.

gacan

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan ay ku jiraan qodobo aan dan u ahayn Somaliland, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu yidhi “Marka hore heshiiskan ka doodistiisa iyo ka wada hadalkiisa labada Gole wey wada leeyihiin, Golaha Wakiilada oo qudhi ma leh, waxaana taas caddeeynaya qodobka 38 faqradiisa 6 xarafkiisa T ee Dastuurka Somaliland, oo ku saleeysan kal-fadhiyada ay wada leeyihiin labada Gole, isla Qodobkani waxa uu sheegaya in Labada Gole Barlamaan wada leeyihiin heshiisyada ku saabsan heshiis Goboleed iyo heshiisyada Caalamiga ahba, marka Xukuumadda waxaan u caddeynayaa in aanay is odhan Golaha Wakiilada ayaa xaq u leh inuu ka doodo oo uu ansixiyo, labada Goleba wey wada leeyihiin, oo wada fadhi ha ku yeesheen, ama kal-fadhi ha ku yeesheen, haddii labada Gole mid la iska dhaafana Xeerku noqon maayo Xeer dhaqan gal ah, oo qodobka kale oo Dastuurka ah ayaa wuxuu leeyahay sharci kasta oo labada Gole wada leeyihiin wuxuu ansixi karaa marka labada Gole ansixiyaan, Madaxweynuhuna ansixiyo, marka Xukuumadda taas digniin baan ka siinaya, oo yaanay is odhan Golaha Guurtida dhaafiya, oo Golaha Wakiilada oo qudha ka ansixiya”.

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu talo u soo jeedinayey Xukuumadda ayaa yidhi “Waxaad mooda inay Xukuumaddu aad dabada uga riixayso heshiiskan, aadna dadku wey uga shakisan yihiin, oo siyaabo badan oo aad odhan karto maslaxada dalka kuma jirto ayaa heshiiskan ku jira, oo waxa ka mid ah qodobka odhanayaa Boodhka Dekaddu waxay noqonayaan Saddex Somaliland iyo Lix Shirkada ah, weyna kala badan yihiin, taasna waxa ka muuqata in Cashuurta sidii la doono loo kordhin karo, maslaxada dalka taasi kuma wanaagsana, waxaad kale oo mooda inay ku hoos jiraan maslaxdo. dano iyo bayac-mushtariyo gaar ah, Xukuumaddu haddii ay Wakiilada hor keentay heshiiskan waa si fiican, laakiin waxaan ku dardaarmaya in heshiiskii dhabta ahaa la keeno, Golihii Guurtiduna uu sugaya, oo labada Gole wey wada leeyihiin mar haddii uu heshiisku yahay heshiis caalamiya, marka in meel kale laga wareejiyo ha laga digtoonado”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews