berberatoday.com
Xildhibaan KULMIYE Ka Tirsan Oo Dhaliilay Magacaabista Degmooyinka Cusub Oo Doorashooyinka Carqalad Ku Ah
August 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanda Golaha Wakiilada, gaar ahaan Xisbiga taladda dalka haya, ayaa sheegay in Degmooyinka iyo Gobolada cusub ee muddooyinkii ugu dambeeyey la magacaabayey ay carqalad ku tahay Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay inay adag tahay in la kala xadeeyo Gobolada iyo Degmooyinka.

 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay Saddexda Xisbi ku dhaliilay arinta saami qaybsiga, oo uu sheegay inay iyagu xalkeeda lahaayeen, waxaanu tilmaamay inay ku fashilmeen, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Arinta saami qaybsigu haddii ay ka timid meeshii ay lahayd, oo mar labaad dib ugu soo noqotay Madaxweynaha waxaan u arkaa in la isku tuur-tuurayo, runteedii iyo badheedhkeedii ilaa hadda ma muuqato, laakiin anagu haddii aanu nahay Golaha Wakiilada muddo dhaaf baanu ku joognaa, wixii aanu qaban karaynayna qabanay, diyaarna waxaanu u nahay inay Doorashadaydu dhacdo, oo ka soo horumarto Doorashada Madaxweynaha, haddii ay suurtagal tahay, waxa la isku haystaa saami qaybsiga maaha ee waa xeerkii iyo qaanuunka Golaha Wakiilada ee lagu talagalay inay Doorashadoodu ku dhacdo, oo la meermeerinayo, sidaas darteed waxa haboon in laga badheedho, oo arintaas go’aan laga gaadho”.

Xildhibaan Obsiiye mar uu ka hadlaayey cida xaqa u leh inay go’aan ka gaadho arintan ayaa yidhi “Madaxweynahana maaha in eedda uun la saaro ee, arinkana waxa ku shaqo lahaa runtii Saddexda Xisbi kol haddii ay iyagu go’aan gaadhi kari waayeen may ahayn inay dib ugu soo celiyaan Madaxweynaha ee waxay ahayd inay iclaamiyaan in aan Doorasho la gali karin, laakiin haddii ay sidan u soo dhigeen   waxba maaha ILLAAHAYNA waxaan ka barayeynaa in Madaxweynaha sida dadka iyo dalkaba dan u ah u soo dhigo, waxay iyagu ka badheedhi waayeena inuu isagu ka badheedho, eeddna isaga ma’ saarna, waayo kol haddii uu isagu u gudbiyey dadkii xaqa u lahaa waana uu ka talo galiyey Shacabka, Golaha Wakiilada iyo cid walba, taladdiina haddii ay waxba ku qaban waayeen waxaan Madaxweynaha u rajaynayaa inuu qaado talaabo lagu wada farxo”.

Xildhibaan Obsiiye mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in Xeerkan waxba laga qaban waayo iyo inay iyagu ka gaabiyeen ayaa ku jawaabay “Xeerkani annaga nama qaabilsana sameynta xeerkana waxa iska lahaa Xisbiyada, oo Sannadkii 2005-tii, markii uu Golahan la sameeynayey Saddexda Xisbi baa go’aan wada gaadhay oo saami qaybsigaas dhigay, hasa yeeshe waxay ka daba geeyeen inuu yahay ku meel-gaadh oo sannadkaas oo kaliya la qabanayo, wixii ka dambeeyana in la helo tirakoob saami qaybsiga lagu sameeyo, iyo kala xadaynta Gobolada”.

Waxa aanu xisbiyada ku eedeeyey in ay ku fashilmeen samaynta saami-qaybsiga oo uu sheegay in ay shaqadooda ahayd, oo xildhibaannada waxa laga sugayey ay ahayd uun in ay ansixiyaan haddii loo keeno, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Masuuliyadda saami qaybsigu Golaha Wakiiladu si gaar ah uma qaadayo, manaana ku shaqo lahayn, wuxuu ansixinayey wixii loo keeno oo waxba looma keenin, ilaa maantana wey laalan tahay, madaama ay Xisbiyadii ku fashilmeen, go’aanka Madaxweynuhu ka gaadho haddii ILLAAHAY yidhaah go’aanka uu soo gaadho in Golaha Guurtida sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gudbiyo ayey ku haboon tahay”.

Xildhibaan Obsiiye mar uu ka hadlaayey Degmooyinkan iyo Goboladan ku soo kordhaya Somaliland iyo waxa ka dhalan kara ayaa yidhi “Sida aad la socotaan Degmooyinkii iyo Gobaladii meesha ay marayaan xitaa meel ay Doorasho ku dhici karto igama muuqato, oo habkan imika loo badinayo Degmooyinka iyo Gobolada oo kolba la iska magacaabayo iyadoo aan la ansixin, waxay keenaysaa carqalado dheerad ah oo yimaada,  Lixdii Gobal bay ahayd in kala xadayn loo sameeyo, kala xadayntaas marka la gaadhana in tirikoob la sameeyo, intii hore waa la sameyn karayey kala xadayn Xukuumaddii hore iyo Xukuumaddanba, oo labadaba wey u banaanayd”

Xildhibaan Obsiiye mar uu ka hadlaayey inay wada qabsoomi karaan labada Doorasho iyo in kale ayaa ku jawaabay “Wax kasta oo dalka u dan ah waan soo dhaweeynayaa,waayo Goluhu xeer buu leeyahay, sharci buu leeyahay, oo waxyaabaha uu ku imanayo haddii la keeno cid diidi karta ma jirto, in labada Doorasho mar wada dhacaana waxay ku xidhan tahay in laga heshiiyo xeerka Doorashada Golaha Wakiilada, waana taas la arkayo in wali saami qaybsigii laalan yahay, fili maayana in laga heshiiyo, maxa yeelay Goboladii wey diiidsanayaan oo Goluhu Guddi buu u saaray,waxaana arinkani u baahan yahay go’aan adag oo uu ugu horeeyo in Dastuurkii la furo, sidii  kuraasta loo badan lahaa, maxa yeelay Lixdii Gobol ee hore kuma qanacsana inta loo qoondeeyey, imikana wey ka sii daran tahay oo Gobol kale ayaa la sameeyey, sidaas darteed muragada siyaasadeed ee lagu jiro maanta sida qudha ee lagaga bixi karaa waa in labadaas Doorasho la kala

 

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews