berberatoday.com
Faahfaahin: Kacdoonkii Ethiopia Oo Addis Ababa Iyo Bahar-daar Maanta Dhiigu Qulqulay
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wararku waxay sheegayaan in maanta Magaalada Bahir-Daar lagu dilay ugu yaraan 46 qof oo Rayad ah 72 qof oo kalana la dhaawacay kadib markii Shacabka Axmaarada oo banaanbax ku Ekeeyay Gudaha Bahir-Daar ay toogteen Ciidamada Gumaysiga Ethiopia gaar ahaan kuwa loo yaqaano AGAZI.

 

 

 

FB_IMG_1470585408068 FB_IMG_1470585399640

Dadka mudaharaadaya ayaa ku qeylyaya erayo ka dhan ah xukuumada gabbal dhacsatay ee TPLF waxayna wataan Calamadii u gaarka ahaa macaaradka Axmaarada.

Ciidanka Ammaanka TPLF ayaa rasaas nool nool ku furay dadkan dibad baxayaasha ah oo dhammaantood ka soo jeeda Qoomiyadda Axmaarada oo ah Qoomiyadda labaad ee Ethiopia dhanka tirada Iyo Kacdoonka hadda socdaba.

Dadka ki nool Magaalada Bahar-daar ee Caasimada Axmaarada ayaa ku soo biiray Kacdoonka ka dhanka ah Xukuumadda Gumaysiga TPLF.

Waxaa Guud ahaan Gobolada Axmaarada, Oromada Iyo Soomaalida Ogaadeenya laga jaray Isgaadh-siintii iyo waliba khadkii Internet-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo kasoo baxaya Bahir-Daar ayaa sheegaya in Ciidanka Agazi ay si naxariis darro ah u laynayaan Kacdoonwadayaasha Axmaarada.

Khuburada ka faallooda arimaha Itoobiya ayaa sheegaya in la gaadhay dhammaadkii taliskii soo hayay Talada gumaysi ee dalka 25kii sano ee ugu danbeeyay ee ay Kooxda TPLF hogaaminayso.

Baanankii Xukuumadda TPLF ay ku lahaayeen Magaalada ayaa la warinayaa in la bililiqeeystay, sidoo kalena hantidii uu qeybta ku lahaa Tigraygu waa la bililiqeystay sida ay wararka soo baxaya sheegayaan kadib markii mudaharaadku isu badalay gacan ka hadal iskuna balaadhiyay Magaalada Bahir-Daar.

bano1 oromio

Dhanka kale waxuu maanta banaanbax balaadhan ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa oo ay ku waabariisteen Kumanaan kun oo Oromo ah waxaana istaagay dhamaan isu socodkii Gaadiidka waxaana bilaabatay gacan ka hadal rasaaseed waxaana la sheegayaa in Suuqa la iskala baxay oo ay Xaafadaha ka dhacayso.

Ugu yaraan 21 qof oo Oromo ah ayaa ku dhintay Mudaharaadka Addis Ababa waxaana ku dhaawacmay 43 qof oo kale sida ay warar hoose sheegayaan.

Waxaa kale oo wararka ay  sheegayaan in Banaanbayaasha Oromiya ay gacanta ku dhigeen 6 Askari oo kale oo kamid ah Ciidamada Gumaysiga dabayaaqada jooga ee Ethiopia kuwaas oo hayb ahaan kasoo jeeda Qoomiyadaha Tigree Iyo Gambeelle, lamana sheegin wax uu shacabka Oromiya ugu taliyay Askartaasi ay Maxaabiista u qabteen.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in maanta ay Kacdoonka Oromiya Geesta kaga soo biireen Ciidamo badan oo Booliis ah kuwaas oo Oromo kasoo jeeda dhalasho ahaan, waxaana la sheegayaa in markii ay arkeen in rasaas naxariis la’aan ah lala dhacayo Shacabkoodii banaanbaxayay ay u adkaysan waayeen oo ay dhanka kale kasoo jeedsadeen.

Ma jirto cid si sax ah u sheegi karta khasaaraha ka dhashay Kacdoonkii maanta ka dhacay dhulalka Oromiya Iyo Axmaaro oo mid walba Axadii maanta ahayd ay dhibaatadii ugu badnayd intii kacdoonku socday  ka dhacday.

Xukuumadda taagta daran ee TPLF oo wali rajo ka qabta inay xoog u adeegsato shacabka Gadoodsan si ay gumaysiga ugu sii cimri dherersato ayaa caawa fiidkii ku baaqday in awood kama dambays ah ay u adeegsan doonto dadka Xaqdoonka ah ee ka gilgishay gumaadka lagu hayo dhiigana u huraya sidii ay qolo walba Dhulkeeda u goosan lahayd ugana madax banaanaan lahayd Gumaysi dambe oo Qoomiyadaysan.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee Gondhar ayaa sheegaya in Jabhada Axmaarada ee Ginbot7 ay gaadhi ay wateen Ciidamada TPLF oo marayay wadada Musie Bambi ee waqooyiga Gondhar ee Kililka Axmaarada ay Rasaas ku fureen kana dileen 8 Ciidanka Tigray-ga kamid ah, halka 4 kale oo baxsad ah laga raadceynayo keymaha Musie Bambi.

cceth

Dhanka kale wararka maanta ka imaanaya Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in in dagaalyahano beeraleyda Axmaarada ee Sanja kamid ah iyo Ciidanka Tigray-ga ay maanta is rasaasayn ku dhex martay deegaanka Sore-ka oo duleedka Gondhar ah, waxaana la sheegaya in Hubaysanayaasha Beeralayda laga dilay 7 qof sida la sheegay, halka Askarta Gumaysiga Ethiopia la sheegayo in laga dilay 5 Askari.

FB_IMG_1470664367600FB_IMG_1470664326391

Wali waxaa socda iska hor imaadyo rabshadaysan oo u dhexeeya Mawjadaha Oromiya Iyo Axmaariya iyo Askarta daacadda u ah Xukunka Tigreega

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews