berberatoday.com
Ma Dhabbaa In Madaxtooyada Somaliland Qadar Lacaga Oo Badan Ku Aamusiisay Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Somaliland Ee Kasoo Horjeeday Heshiiska Dekeda Berbera?
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

golaha-wakiiladaHargeysa(Berberatoday.com)Wararka ilaa shalay ilaa xalay aadka loo hadal hayay ee  kasoo baxaya qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in qadar lacaga oo aad u badan ay madaxtooyadu ku aamusiiyay xildhibaanadii golaha wakiilada Somaliland ee iyagu aadka uga soo horjeeday heshiiska dekeda berbera ee ay xukuumada Somaliland la gashay shirkada DP World.

Waxaana xildhibaanadan la sheegay in kulan habeen hore lagula qaatay madaxtooyada somaliland loogu soo bandhigay inay taageeraan heshiiska isla markaana afka xidhaan,waxaana xildhibaanadan loo balan qaaday in hadii ay badalaan fikirkooda la siin doono qadar lacaga oo aad u badan.

Waxaana sida wararku nagu soo gaadhayaan  xildhibaankiiba loogu balan qaaday In lasiin doono qadar lacaga oo dhan inta u dhaxaysa 20,000$ (Labaatan Kun Oo Dollar) ila 30,000$ (Sodon Kun Oo Dollar) hadii ay badalaan fikirkooda ay kaga soo horjeedaan heshiiska ay xukuumadda somaliland la gashay shirkada DP World.

Xildhibaanadan  loogu gacan haadiyay qadarka lacagta ah ayaan ilaa hada la garanayn inay ogolaadeen iyo inay diideen codsigan ay madaxtooyadu ula timi ee ah inay badalaan fikirkooda ku aadan heshiiska dekeda berbera oo la filayo in maanta xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ay ka doodaan ansixinta ama diidista heshiiskan ay xukuumaddu hor keentay golaha isla markaana maanta goluhu u balansan yahay inay ka doodaan.

Sidoo kalena warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in madaxtooyada Somaliland ay kulan la qaadatay madaxda iyo masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee dalka kasoo baxa, kuwaasi oo iyagana loogu baaqay inay iska dayaan inay wariyaan ama baahiyaan waxii kasoo horjeeda heshiiska dekeda berbera badalkeedana la siin doono qadar lacaga oo qiyaasteeda la shaacin.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu ku hawlan isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ansixin lahaa heshiiska ay lasoo galeen shirkada DP World ee la filayo in lagu wareejiyo maamulka dekeda berberaa, ilaa haddana lama garanayo halka ay sal dhigan doonto arinkani heshiiska dekeda berbera.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews