berberatoday.com
Rabshadaha Lagaga Soo Horjeedo Xukumada Itoobiya Oo Kor U Kacay Iyo Masuuliyiin Booqday Gondar+Tirada Dhimasho Iyo Dhaawaca Oo La Ogaaday
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

Gondar(Berberatoday.com)-Dibad baxyada ka socda magaalada Gondar ee ay degaan Qowmiyada Amxaarada ayaa la soo warinayaa in lagu dilay dad dhowr ah, markii isku dhacyo dhex mareen dibad baxayaasha iyo ciidamada booliska.gondar 2

Ugu yaraan lix ruux ayaa lagu dilay dibad baxyada labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Gondar.

Ilo wareed ayaa u sheegay Al Jazeera in sabtidii shalay afar qof lagu dilay magaalada Gondar, dowladda Itoobiya ayaa wali xaqiijin tirada dhimashada.

In ka badan 500 oo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa shalay dibad bax ballaaran ka dhigay magaalada Addis Ababa, iyadoo isugu soo baxay Fagaaraha Meskel, ciidamada booliska ayaa kala eryay dadkaas, iyagoo xir xiray daraasiin ruux.

Qowmiyada Oromada ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhigayaan dibad baxyo ballaaran 6-7 bisha Agosto, kaasoo ka dhan ah dowladda, kuna eedeynaya takoorid iyo sinaan la’aanta dhaqaalaha.gondar

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay halku dhigyo kala duwan, iyagoo watay boorar ay ku dalbanayeen xoriyad iyo in la sii daayo siyaasiyiinta xabsiyada ku xiran.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay inay dibad baxyo iyo isku dhacyo ka dhaceen magaalooyinka Ambo iyo Nemekte ee Gobolka Oromada.

Ra’iisul Wsaaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu mamnuucay dibad baxyada, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay isticmaalaan wax kasta suura gal ah oo looga hortagayo dibad baxyada.

 

Qowmiyada Oromada oo ah qabiilka ugu badan Itoobiya ayaa sanadkii la soo dhaafay dibad baxyo ballaaran ka dhigay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka soo horjeeday in deegaano ku yaala duleedka magaalada Addis Ababa lagu daro Caasimada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews