berberatoday.com
Wasiir Samsam oo lacag xad dhaaf ah u qaybisay saxaafada xorta ah si aan arimaha dekada ayna waxba uga sheegin
August 8, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

samsam

Xukumadda Siilaanyo ee sii dhacaysa ayaa si xoogan u laban laabtay labadii todobaad ee ina soo dhaafay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd saxaafada madax banaan ee ka hawlgasha Somaliland, waxna ay go’aansatay in kuwii loo taag iyo maaro waaya lala galo degaal cilmiyaysan mid qoraal iyo mid weerar xaga technology-yada ah siiba shabakadaha ay u arkaan in ay ka soo hor jeedaan xukumadda iyada oo madaxtooyadu kharashaad badan ku bixisa sidii ay weeraro loogu qaadi lahaa shabakado cayiman oo kooban kuwaasi oo ay u arkaan in ay gabi ahaanba ka soo hor jeedaan, waxna ay soo kiraysteen Hickers-taasi oo nasib wanaag ay shabakada qarannews.com, iska difaacday xaga shabakado kale ay dhibkaasi la liitaan, taasi oo ay si xun xukumaddu ugu tagri falayso xoolahii umadda ee ay u baahnaayeen dadka masaakiinta ahi.

Hadaba mashruucani cusub oo ay marwada madaxweynahu u saartay laba wasiir oo kala ah wasiir Cali Shoonbe iyo wasiirada Samsam, ayaa kulamo is daba joog ahaa oo ay la yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen ama ay saxaafadii madax banaanayd qaarkood iska qaateen sidii lacag loo siin lahaa isla markaasina ay u difaaci lahaayeen mashruuca dekada Berbera oo ay wacyi galin xoogan uga gali lahaayeen.

Waxana dhamaantood lagu war galiyay in ay weerar ku qaadaan cidii wax ka sheegta dadka ku kacsan wareejinta dekada Berbera, taasi oo ay doonayaan in aan wararkooda la baahinin isla markaasina la weeraro saxaafadaha shisheeyaha ee ka hawl gala Somaliland hadii ay wax ka sheegan dadka mudaharaadaaya ama qaylinaaya ee diidan in dekada la wareejiyo.

Mashryuucani waxa ay xukumaddu lacag ku siisay 4 TV- oo ka hawl gala Somaliland oo qaarkood laga leeyahay Somaliya sida Universil TV-  iyo sidoo kale Bulsho tv iyo Strar tv- oo iyagu ka hawl gala Somaliland waxana aan dhawaan soo bandhigi doonaa dhamaan saxaafada mashruucani ay xukumaddu kula gashay difaacida wareejinta dekada Berbera, cida lacagta qaadatay ma aha uun TV-yada ee waxa ku jira wargaysyda qaarkood iyo shabakadaha badidooda.

Meelaha ay xukumadda Siilaanyo xooga saarayso sidii loo xakamayn lahaa ama loo maagi lahaa markii la laalushi kari waayay waxa ka mid ah idaacadaha waaweyn ee dalka ka hawl gala qaarkood.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews