berberatoday.com
WASIIRADU MIYAY WADA SOCDEEN MISE WAY KALA SOCDEEN?CALI GURAY
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

WASIIRADU MIYAY WADA SOCDEEN
MISE WAY KALA SOCDEEN?
Wakiilada waxa khuseeya siyaasadda iyo sharciyadda ku gadaaman Heshiiska Maalgashiga DP World(The Plitical And Legal framework Of The DP World Investment Ageement). Marka Wasiirka Maaliyadu ay leedahay heshiisku wuu dhan yahay waxan filayaa inay u jeedo uun intii idin khusaynaysay ee shaqadiina ahayd markaa waa runteed. Marka uu Wasiirka Arimaha Dibaddu leeyahay ma dhama iyaduna runtii bay noqon kartaa oo wuxu ka hadlayaa baan is leeyahay tafaasiishii hoose ee farsamo lama socoto (Technical Details not included) dabcan loomana baahnayn inay faahfaahinta hoose ee arimaha farsamo oo dhan uu wato waayo waxa khuseeya sharci dejintu waa Syaasadda iyo Sharciyadda oo Mashruuca u ah waageerka ku gadaaman ee lagu ilaalinayo in aanu ka bixin ama mus dambeedkaba u ah.
Marka reerku guri dego ooda dusha ayaa korka sare lagaga wareejiyaa. Dhamaan aqalada, xeryaha geela, xeryaha adhiga, edegyada nirgaha iyo naylaha iyo weliba ardaayadu oo dhami waxay ku dhex jiraan ooda sare ee mus dambeedka la yidhaa wax ka baxsanina ma jiraan.
Markaa mashruucu hadaanu lahayn sharciyad waa reer aan oodnayn oo aan kala oodnayn ee is dhex qaad ah oo muranka iyo buuqa iyo is qabsigu badanayay. Xoolaha geel iyo adhi iyo inta kale maca dadku waxa kala xadaynayaa ma jiro. Marka reerku degayo wuxu ku degaa tusmo qoys waliba halka uu degayo tusmo ayuu ku degaa waana xeer oo waa la yaqaanaa.
Waxan uga socdaa Wakiilada xaq waxay u leeyihiin inay Heshiiskan ansixiyaan ama diidaan maaha tafaasiisha hoose ee farsamo ee waa siyaasdda iyo sharciyadda ku gadaaman ee wixii ka baxsan ama ka horimanayaa uu xadgudub ku yahay sharciga. Lakiin wixii aan ka baxsanayn sharciyadda sidii la doono ayaa loo dhigi karaa waana arimo farsamo.
Sidaa daraadeed waa la odhan karaa labada wasiir way kala hadleen ama waxa odhan karaa waxay ahayd is faham la’aan uu midna ka hadlayay intii Khusaysay Sharci dejinta oo wuu dhan yahay ah midna ka hadlayay maca tafaasiisha farsamo ee ugu yar yar oo markaana ah ma dhama. Adigu hadal iyo dhamaantii musdambeedkii iyo kala tusmayntii Mashruuca Dekedda Berbera waa inta la horgeeyay Wakiilada ama ha ogolaadaan ama ha diidaan.

Hadda waa malahayga uun ee cidna waxba maan waydiinin

Image may contain: 1 person , sunglasses, outdoor and close-up
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews