berberatoday.com
Xukumada Oo Xarunta Golaha Wakiilada Horteeda Soo Tubtay Haween Lasoo Abaabulay Oo Wax Magarato Ah Oo Loo Soo Dhiibay Boodhadh Lagu Taageerayo Wareejinta Dekeda Berbera+Daawo Sawirada Boodhadhka
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland oo mudooyinkii ugu danbeeyey karka ugu wayn ee hayaa uu ahaa meel marinta heshiiskii ay la galeen Maalqabeenada Boqortooyada dalka Imaraatka Carabta ayna ugu wareejinayeen Marsada Berbera shirkad lagu magacaabo D,P World ayaa haatan ah mid caga cagaynaya meel Xasaasi ah.

mu6

Iyada oo maanta Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay maalintii Labaad Gudo Galeen hawsho Heshiiska Dekeda lagu wareejinaayo halkaasna ay ka dhacdaay dodo kala duwan oo ay soo jeedinayeen Xildhinaada Golahaasi.

Waxaana maanta ku cusbaa dadaalada ay Xukumadu ku doonayso in ay fuliso Heshiiska ay la gashay Shirkada D.P.W,Banaan bax xoogan oo ay soo abaabushay Xukumada Madaxwayne Siilaanyo, iyada oo dhan kale saaka Magaalada Hargeysa Subaxii hore ee saaka lagu dhex arkaayay gaadiid kala duwan oo lagu soo rikibay Sameecado ay ka baxayaan Heeso Waddani ah kuwaasi oo ku wareegaayay qaybaha kala duwan ee Caasimada,

Waxaana Boqolaal Shacab ah oo u badan Haween lagu soo daad gureeyey Afaafka hore ee Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland kuwaasi oo loo soo dhiibay Boodhadh ay ku xardhan yihiin Erayo lagu taageeraayo Meel marinta Heshiiska Dekeda Berbera.waxaana sidoo kale ay haweenkaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan sida ay u doonayaan yihiin in ay golaha wakiiladu ansixiyaan Heshiiska Madaxtooyada Somaliland la gashay Shirkada Carbeed ee D.P,World,

Tan iyo intii uu dhacay qaybtii hore ee heshiiska lagu wareejinaayo Dekeda Berbera waxa ay Xukumada Madaxwayne Siilaanyo oo ay horsed u yihiin Wasiirada Madaxtooyada,arimaha Dibada iyo Maaliyadu Wadeen qorshayaal kala duwan oo ay ku doonayaan in ay bulshada kaga dhaadhiciyaan meel marinta Wareejinta Dekeda Berbera iyada oo talaabada saaka ee Mudaharaadku uu ahaa mid ku cusub dadaaladii ay hore ugu jireen xubnhaasi golaha wasiirada ah.

Haweenkan oo ay iska cadayd inay Madaxtooyadu soo abaabushay ayaa waxa uu noo sheegay goob jooga iskudayay inuu weydiiyo haweenkan sababta ay utaageerayaan in dekeda Berbera wareejiyo ayaa waxa uu sheegay in la xidhi gaadhay isaga kadib markii ay askar haweenkaas ilaalinaysay maqleen hadalka iyo su,aasha uu weydiinayo haweenka, waxaana sawirada haweenkan boodhadhka sita ee halkan ku sawiran ka dhex muuqday askar boolis ah oo amaankooda sugaya oo dhinac taagan waana dhacdo ugub ku ah hanaanka dawladnimo in ciidamadii amaanka marna loo adeegsado ilaalinta dad rayi aanay garanayn loo soo dhiibay marna loo adeegsado xidhxidhida dad muwaadiniina oo rayigooda cabiraya.

mu1mu2mu3mu4mu5mu6mu7mu8mu9mu10mu11

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews