berberatoday.com
Gudoomiye Cirro Oo Xukumadda Kula Socday In La Wareejiyo Dekeda Berbera Iyo Xildhibaanadii Mucaaridka Ahaa Oo Ka Xumaaday Tallaabada Uu Qaaday
August 9, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro sidoo kalena ah Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo shir gudoominaayay fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen heshiiskii xukumadu la gashay Shirkada D,P World ayaa waxa uu saaka qaybta ugu wayn ka qaatay meel marinta heshiiskaasi.
Gudoomiye C/raxman Maxamed Cabdilaahi oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo laga filaayey in uu ka faa,iidaysto jaaniska xukumada ee heshiiska aan cadayn hor keentay golaha isla markaana laga filaayey in uu ku celiyo balse taa bedelkeeda waxa uu Ciro yeelay si ka duwan taasi,

 

Iyada oo xildhibaanadii mucaaridka ahaa ee ka soo hor jeeday ay ka cadhoodeen ka dib markii uu cod galiyey Ajandaha taasi oo cadaysay in uu Xukumada Somaliland kula socday in Dekeda Magaalada Berbera lagu wareejiyo Shirkada D.P,World ee laga leeyahay dalka Emarateka.

Dhan kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa hore dalkaasi ugula so kulmay masuuliyiin D,p,world taasi o dhankeeda shaki kale abuurtey,
C/raxmaan Maxamed Cirro oo isaga inta badan ay shacabka Somaliland ku dhaliilaan in uu yahay Isaga iyo Xisbigiisa Xisbi Mucaaridkii ugu liitay dhanka Mucaaridada ee soo mara Somaliland ayaa waxa maalintii sabtidii markii ay xubno ka mid a golaha wasiiradu hor keenen heshiiska uu si cad u sheegay in aanu cadayn micnaha heshiiska isaga oo wasiirada ku soo riixay in ay xildhibanada u bayaaminayaan nuqulada waraaqihii ay sideen.

Waxana arintaasi ay xubnihii wasiirada ahaa sheegeen in aanu ahayn heshiiskii balse uu yahay nuqulo ay ka soo dheegeen loogana fadhiyo xildhibaanada in ay diidaan ama meel mariyaan,taasi oo noqotay falaadh ay dib ugu soo ganeen shir gudoonka iyo mudanayaasha uu maamulaha u yahay.
Inkasta oo aanay halkii ka soo qaadin shir gudoonka iyo Xildhibaanadu hadana waxa ay si aan kala gabahso lahayn ugu codeeyeen wareejinta heshiiska.

Xildhibaana Maxamed Faarax Qabiile oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo soorto Gobolka Saaxil waxa uu dusha u saarey eeda Wareejinta iyo ansixinta Marsada Caalamiga ah ee Magaalada Berbera Gudoomiye Cirro oo uu ku tilmaamay nin ku fashilmay hawl isaga shir gudoon ahaan maanta u taalay isla markaana u ku ceebaysan yahay.

Xisbiga Waddani ee uu Gudoomiyaha ka yahay C/raxmaan Maxamed cabdilaahi ayaa isagu ah xisbiga kaliya ee haatan loolanka adag kula jira xukumada iyo Xisbigeeda haatan dalka hogaamisa iyada oo arintani uu maanta ku kacay isla markaana hormuudka uga ahaa xukumadana kula socday in la wareejiyo Dekeda Berbera

Iyada oo laga yaabo in arintani saamayn xoogan ku yeelan karto taageerayaasha xisbiigisa ee Gobolka Saaxil iyo guud ahaanba Somaliland ee ka soo hor jeeday in la wareejiyo Dekeda Berbera filaayeyna in gudoomiye Cirro meel adag iska taagi doono arintan.
Sidoo kalena dhacdadan ayaa waxa ay sii xoojinaysaa aragtida dadkii qabay siyaasad jilayca aan lahayn go,aan adayg ee gudoomiyaha xisbiga Waddani ee u han qaltaagaya hogaanka dalka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews