berberatoday.com
Sir Kashiftay Sababta Xukuumaddu Golaha wakiiladda Ugu Gudbin weyday Heshiiska DP World ay la gashay Iyo Heshiiskaa oo uu ku Saxeexan-yahay Madaxweyne Xasan-ka Soomaliya+ Qorshe Saami dhaqaale Lagu Qarsaday Magaca Shirkadda
August 9, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola Heshiiskii Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Dp World ee damacsan inay la wareegto Gacan ku haynta Dekedda Berbera ayaa kashifay Sir Culus oo Xukuumaddu ka qarinayso Shacabka Iyo golaha Wakiiladda, isla markaana sababtay in la qariyo heshiiska rasmiga ah ee laala galay Shirkadaa.

Sirtaan ayaa la sheegay inay tahay inuu Madaxweynaha maamulka taagta daran ee Somaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiirka Dekeddaha dalka Mr. Nuur Faarax inay soo Saxeexen Waraaqaaha Heshiiska Somaliland sheegtay inay iyaddu la gashay Shirkadda Dp World. Isla markaana uu heshiiskaasi ahaa mid ay laba waji kala xaajootay shirkadda, iyadoo mudnaanta Koobad iyo saxeexeeda la siiyey Madaxweyne Xasan-ka Soomaliya.

Wararku waxa kaloo ay intaa ku dareen inay Xukuumadda tallada haysaa go’aan satay in aanay Cidna u fasaxin inay araagto heshiiska, iyaddoo ka qarinaysaa bulshadda iyo Mudanayaasha golayaasha qaranka, maadaama oo tallaaabadaasi sababayso inay kadood dadweyne ka dhasho. Sidoo kale xogguhuu waxay intaa ku dareen inuu Madaxweyne Xasan qaatay lacag 10 Milyan ka badan oo lamid ah tii Somaliland la siiyey ee Xaqul qalinka lagu sheegay.

Docda kale xidhiidhka Warku waxa uu sheegay in Saami gaar ah oo shaqsiyana si qarsoodi ah loogu daray Madaxweynaha Xamar Mr. Xasan Sheekh, kaasoo u dhigmaa 5%. Isla markaana loo raaciyey dhinaca Shirkadda Dp Wolrd, iyadoo heshiiska rasmiga ah ee laala galay Shirkadda Dp World uu yahay mid ay Shirkaddu dakhliga ka soo baxa Dekedda Berbera qaadanayso 49%, halka qodobada yare e ay soo min guurisay Xukuumadd ee golaha wakiiladda horyaala uu yahay mid DP World siineysaa 65%-kiiba, iyadoo koox macaash doon ahi ku qarsaatay magaca DP World dakhli badan oo saamiyo laga kala siiyey Xubno ganacsato ah oo uu kamid yahay Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi oo isagga uu saamigiisa ugu qoran yahay Nin ay walaalo yihiin oo jooga dalka Imaaraadka, kaasoo uga wakiil ah Sigaarka uu keeno meelo kamid ah dalal ku yaala Geeska, waxana saamigiisa lagu sheegay inuu yahay 4%-kiiba, waxa kaloo saamileysa waxku qarsatay magaca DP World kamid ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo isna kaga jira 5%.

Waxa kale oo Sirta ugu culus ee Xukuumadda ku kaliftay inay qariso heshiiska laala galay DP World lagu sheegay Saxeexa Madaxweyne Xasan-ka Somaliya, kaasoo haddii aanay Bulshadda Somaliland aqbali Karin iyo sidoo kale qodobo badan oo faahfaahinaaya saamileyda qarsoodiga ah ee waxku yeelan doona, isla markaana ah kuwo cabsidooda leh oo uu ka dhalanaayo gadood dadweyne, maadaama oo qaranka Somaliland uu yahay mid madax-banaan. La soco xogo faahfaahsan oo la xidhiidha heshiiska DP World uu saxeexay Madaxweynaha Xamar iyo weliba shaqsiyaadka gacanta ka siiyey ama isku soo xidhay xadhkaha taxan Dubai ilaa Xamar iyo Hargeysa.

 

 

 

 

Xigasho Laaleysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews