Sir La Helay”Cabdiraxmaan Ciro Oo Ogolaaday In Mudo Laba Sabadooda Xukumada Siilanyo Loo Kordhiyo Iyo Balan Qaad Xukumadu Usamaysay+Muuse Biixi Oo Daaqada Laga Saarayo
August 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka ay helayso Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa xaqiijinaya in heshiis hoose oo qarsoodiyi uu dhex maray Beesha Habar Jeclo iyo beesha Habar Yoonis heshiiskaasi oo ah in mudo kordhin laba sanadooda loo sameeyo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Iyo Golaha Wakiiladaba,
Wararku waxa kaloo ay intaas ku darayaan in mudo kordhintaasi kadib ay beesha Habar Jeclo taageerto Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi(Ciro)sidii uu unoqon lahaa Madaxweyne labadaas sanadood kadib.