Wasiir Samsam Oo Lacag Xad Dhaaf Ah Uqaybisay Saxaafada Xorta Ah Si Aan Arimaha Dekada Waxba Uga Sheegin
August 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukumadda Siilaanyo ee sii dhacaysa ayaa si xoogan u laban laabtay labadii todobaad ee ina soo dhaafay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd saxaafada madax banaan ee ka hawlgasha Somaliland, waxna ay go’aansatay in kuwii loo taag iyo maaro waaya lala galo degaal cilmiyaysan mid qoraal iyo mid weerar xaga technology-yada ah siiba shabakadaha ay u arkaan in ay ka soo hor jeedaan xukumadda iyada oo madaxtooyadu kharashaad badan ku bixisa sidii ay weeraro loogu qaadi lahaa shabakado cayiman oo kooban kuwaasi oo ay u arkaan in ay gabi ahaanba ka soo hor jeedaan, waxna ay soo kiraysteen Hickers-taasi oo nasib wanaag ay shabakada qarannews.com, iska difaacday xaga shabakado kale ay dhibkaasi la liitaan, taasi oo ay si xun xukumaddu ugu tagri falayso xoolahii umadda ee ay u baahnaayeen dadka masaakiinta ahi.