berberatoday.com
BAARLAMANKU WAXUU JEBIYAY XEERKII UYAALLAY GOLAHA, GO’AANKA HESHIISKA DEKEDDUNA MA NOQONAYO ANSAX. WAA IN MAXKAMADDA DASTUURIGA AH LA HORGEEYO.
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

BAARLAMANKU WAXUU JEBIYAY XEERKII UYAALLAY GOLAHA, GO’AANKA HESHIISKA DEKEDDUNA MA NOQONAYO ANSAX. WAA IN MAXKAMADDA DASTUURIGA AH LA HORGEEYO.

 

Waxaa ummadda wada gaadhay xoqtii iyo madmadawgii la rabay in ummadda laga qariyo, ee ahaa heshiiska dekedda xukuumadda siiraanyo ku xaraashaysay.

Qof kasta oo caqligiisu fayawyahay waxaa u caddaatay in heshiiska la horkeenay golaha baarlamanka uu noqday wax lagu qoslo, oo aan meella ka soo gelin heshiis iyo mashaariic qaranka lagu soo kordhinayo.

 

Dastuurka iyo xeerarka u yaalla baarlamanku waxay farayaan in aan golahu go’aan gaadhi Karin, haddaan la waafajin xeer hoosaadyada golaha u yaalla.

Marka gole la horkeeno arrin ay xukuumaddu ansixin u rabto, waxaa golaha iyo xildhibaanada waajib ku ah, inay ka baaraandegaan oo si buuxda udarsaan, intaanay diidin, ama oggolaan.

 

Waxaa shirguddoonka waajib ku ah inuu ururiyo wixii caddayna, iyo wixii qoraal ah ee khuseeya arrinka golaha la horkeenay.

Xildhibaanada waxaa u furan saddex xaalo, oo ah, inuu iftiimiyo siina ballaadhiyo arrinka laga doodayo. Talabaad inuu codsado inuu helo xog dheeraada oo muhiima inuu helo si uu xogballaadhan u helo. Tasaddexaad oo ah, inuu keeno ceeb, ama khalad ku jira arrinka golaha horyaalla, oo diidaya in goluhu dood geliyo, dibna loo celiyo.

 

Xubin kasta oo golaha ka mid ah soo jeedinta uu keenaa, waxay la awood tahay tiro kasta oo xildhibaanada ka mida oo arrin golaha horyaalla soo jeedin ka bixisa, qodob ahaanna mudnaantiisa leh. Waana hantida ka laga dhaxlayo dooddaa.

 

Marka golaha dhami, ama cid ka mid ahi soo jeediso, codsi xog dheeraada, waxaa shirguddoonka saaran waajib, inuu tixgeliyo lana helo xoqtaas. Waxaa sidoo kale waajib saaran shirguddoonka in marka xubin golaha ka mid ahi iftiimiyo ceeb ka soo baxda arrinkaa golaha horyaalla, in la tixgeliyo, oo hadday u muuqato inaanay xeerka waafaqsanayn, loo gudbiyo lataliyayaasha dhinaca dastuurka ee golaha baarlamanku leeyahay.

 

Heshiiskii wasiirrada waxaa la socotay warqad aan meel ay sharciyadda ka soo galaysaa jirin, oo la keenay golaha. Taas oo odhanaysa in madaxweynuhu heshiiska wato, sheegaysayna inuu rajaynayo inay sida uu rabo ansixiyaan, taas oo aan madaxweynuhu soo raacin wax caddayn ah, oo uu sharciyadda heshiiska kaga hadlaayo.

 

Waxay wasiiradu sheegeen, horena ay warbaahinta u geliyeen, inay tiroba afar sharkadood oo khibrad u leh heshiisyada caalamiga u kiraysteeen sidii ay uga caawin lahaayeen heshiiska. Wasiiradaasi may keenin wax caddaynaya taladii ay sharkadahaasi siiyeen, oo ka caawin lahayd in si fudud loo fahmo heshiiska iyo faaiidadiisa. La’aanteedna golaha doodda la horkeenay ansax maaha.

 

Waxay kusoo koobeen hadallo ay afkooda ka sheegayeen, inay jirto, talo fiicana ay ahayd, waxes nuxurkeedu ahaa may sheegin. Ma noqonkarto wax wax lagu xisaabtamo, ama masuul xukuumadeed ku doodo, in hadalkiisu u dhigmo qoraalkii oo la helo.

 

Ilaa hadda ma cadda sharkadahaas ay afka ka sheegayaan inay jiraan, iyo inkale, iyo inay hayaan qoraalladii sharkadahaasi kaga faalloonayeen heshiiska, iyo waxay kaga soo taliyeen.

 

Waxay wasiiradu la shir yimaaddeen laba nuqul oo aanay la ogayn sharkadda ay sheegeen inay heshiiska lasoo galeen, oo aanay sharkaddaasi waxba ka ogayn.

Waxay labada nuqul ku sheegeen, inay yihiin wax ay iyagu soo minguuriyeen, oo qeexaya heshiiska ay sharkadda DPW ay la galeen.

 

Heshiiskii sharkadda iyo xukuumadda siiraanyo wada galeen, waxay wasiirradu ku adkaysteen inaanay keenaynin, oo aanu dhammayn. Halka ay sikale u sheegayaan inay heshiiskaasi galeen oo uu dhanyahay, xataa saamiyo la qaybiyay. Heshiiskaa la’aantiisana dooddiisu sharci maaha.

 

Wasiirka waxaa keensada madaxweynaha, si uu hawlmaalmeedka xukuumada u fuliyo, waxaase la yaab ah, xogta uu isagu ogyahay, ee uu ka qarinayo xubnaha golaha ummaddu soo dooratay, ee qaranka ka wakiilka ah. Taasina maaha mid dastuurku fasaxayo, waana dembi.

 

Shirguddoonku waxuu jabiyay xeerka odhanaya in la qaddariyo aragtida xubinta baarlamanka, markuu codsado inuu xog dheeraad ah ka helo, ama laga siiyo, nuxurkasta oo madmadaw ku jiro ama kala dhiman. Iyo sidaa si lamida, waxuu shirguddoonku jebiyay xeerka odhanaya in la tashi lagala yeesho cidda golaha baarlamanka kala talisa arrinkii u muuqda in aanu geyin in golahu ka doodo, madmadaw ka soo baxa awgeed.

 

Arrinkaasi markuu noqdo mid aanay iswaafaqsanayn qoraalka golaha horyaalla iyo ujeeddada larabo in la ansixiyo oo wax kala duwan ah. Sida qoraalka ay xukuumaddu soo dheegtay, oo aan ahayn heshiiska xukuumaddu rabtay in loo ansixiyo, oo isagu gebi ahaanba meesha ka maqnaa.

 

Cabdixarxaan cirro waxuu iska dhega mariyay qodobbadii ahaa in la helo qoraalkii ay xukuumadda siiyeen shirkadihii ka talobixiyay heshiiska, iyo lafdigii heshiiska dhabta ah ee la ansixinayo, oo xildhibaanadu dalbadeen.

 

Waxaa kale oo uu iska indha tiray, inuu hubiyo in ay mudantay warqadda xukuumaddu soo qortay, ee ahaa nuqul ka soo baxay darafka xukuumadda oo keli ah, kaasina aanu sinaba u dabooli karin, una dhigmin heshiiska ay wasiiradu golaha keeneen, oo aan sharci ahayn in loo nisbeeyo wax aanu ahayn, iyo arrinka ay xukuumaddu rabto in loo ansixiyo.

 

Arrimahaas oo dhan oo isbarkanay waxay waxba kama jiraan ka dhigayaan heshiiska dekedda ee golahu ogolaadeen. Waana arrin baalmarsan dastuurka qaranka, iyo xeerarka golaha baarlamanka labadaba. Manaaha waxaa golaha ka soo baxay, wax sharci ah.

 

Golaha baarlamanka, isaga oo isku dhan, iyo hadduu noqdo xubin ka mid ahba, ama madaxweynuhu waxuu xaq u leeyahay inuu maxkamadda dastuuriga ah horgeeyo, markuu u arko arrin sharciyadda baalmarsan, oo maroorsi lagu qaatay.

 

Waxaynu hore u aragnay arrin baarlamanku isku raacay, oo madaxweyne Daahir Riyaale maxkamadda geeyay, taasina maxkamaddu ku raacday Daahir Riyaale markay caddaysay inuu gar kujoogo. Goaankii baarlamankana ay burisay.

 

Maxkamadda dastuuriga waxaa waajib ka saran yahay inay madmadawga ka saarto, arrin kasta oo ceebi ka timaaddo, haddii ay ceebtaasi tahay mid khusaysa sharciyadda, iyo sida sharci ahaan loo adeegsaday.

 

Shacbiga Somaliland waxaa hortaalla arrin meel ka dhac ku ah, dastuurka qaranka u yaalla, oo haddaan manta laga hortegin, cid kasta oo dalka hoggaankiisa qabataaba tusaale ka dhigaynayso. Ka hogaanka dalka loo dhiibaana berri bililiqo ku dhaqaaqi doono, oo wax sharci ah oo dabrayaana aanu jirin.

 

Siiraanyo iyo xaaskiisa weris hadday qaran dhan xaraashaan, golayaashiina noqdeen qaar aan diin lahayn, oo aan aakhiro waxba kaga horraynin. Waxay ummaddu la qaybsanaysaa dambiga haddaanay agoonta iyo ubadka masiirkooda u dagaalamin.

 

Waa in ummaddu iimaan iyo diin yeelato, oo dulmiga iyo xaaraanta la xalaashaday ka damqadaan. Waa in si cad muddaharaad loogu muujiyaa inay diiddan yihiin dulmigaa siiraanyo bilaabay, ee kuwa higsanaya inay madaxnoqdaana berri ku socon doonaan.

 

Rabbi degdeg ha uga qabto ciddii agoonta xaqooda, iyo ubadka masiirkooda bililiqaysanaysa.

 

Eng. Yousuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews