Kala Qaybin iyo musuq maasuq ay ku Sameysay Safaaradda Somaliland ee Dalka Itoobiya Ardayda Somaliland ee Jaamacadaha Itoobiya Ka Qalinjabinaysay.
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Kala Qaybin iyo musuq maasuq ay ku Sameysay Safaaradda Somaliland ee Dalka Itoobiya Ardayda Somaliland ee Jaamacadaha Itoobiya Ka Qalinjabinaysay.
Akhriste waxa is weydiin leh sababta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax uga qaban laadahay fashilka weyn eek u yimid habsami u socodka safaaradda Somaliland ee Somaliland ku leedahay dalka itoobiya oo ay safiir iyo safiir ku xigeen ilmaadeer ahi maamulaan oo sida ay doonaan wax u maamulaan,iyadoo shaki la’aan ay tahay inay meesha ku lunsadaan boqolaal kun oo doolar oo iskugu jirta lacagta adage e ay ka qaadaan dadka ajaanibka ah ee fiisaha ka qaata safaaradda oo bixiya lacag adag balse lacagtaasi meel ay marto lama yaqaano,sidoo kale waxay si awood ah ugu takri falaan miisaaniyadda xarunta safaaradda oo ah lacag badan oo xad dhaaf ah,sidoo kale markii ay shaqadoodii ku fashilmeen safiirka iyo safiir ku xigeenku waxay u soo jeesteen inay ku maxaabsadaan ardayda reer Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha dalka itoobiya,iyadoo had iyo jeer kula dhex jirta kala qaybin ay sal u tahay qabyaalad iyo kooxaysi fashilan,hadaba fadeexadihii ugu danbeeyey ee ay dhex dabaalatay safaaraddu waxa ka mid ahayd kadib markii wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland C/lahi Habane uu ardayda qalinjabinaysa ka bixiyey kharash badan oo ay ardaydu xafladda ku qabsadaan balse nasiib daro kharashkii waxa afka iska mariyey masuuliyiinta safaaradda oo arday ay soo xuleen oo taageersan u qabtay xaflad waraabe u taag ah,iyadoo ardayda sanadka qalin jabinaysay ay tiradoodu ahayd 80 arday oo aqlabiyadoodu diiday hanaanka iyo kooxaysiga qaybayaaladda ku salaysan ee masuuliyiinta safaaraddu wadaan ayey ku gacan saydheen aqlabiyadda ardaydu in aysan ka soo qayb gelin xaflad waraabe u taag ah oo lagu lunsaday lacago badan oo lagu qaatay magaca ardayda,kadib markii safiir ku xigeeku u diiday ardayda inay u madax banaanaadaan xafladdooda,iyadoo uu ku dooday in uusan u ogoleyn cid wax ka sheegta shaqada safaaradda ee ardaydu xog ogaalka u tahay,Mr Ayaanle safiir ku xigeenka ayaa waxa uu abaabulkii iyo isku duba rididii u dhiibtay koox isaga amaanta oo ahaa fadlan ku shubo lacag oo I dheh,hadaba waxa xusid mudan in dhamaan dufcadihii kala horeeyey ee ka qalinjabin jiray jaaamcadaha dalka itoobiya ay iyagu iskood ay u qaban jireen xafladaha qalinjabinta oo ay ku soo casumi jireen masuuliyiinta safaaradda.
Hadaba maxaa dhacay xalay,xaflad kooban oo ay ka soo qayb galeen arday tiradoodu gaadhayso ilaa 27 aryday ayaa ka soo qayb galay xafladaasi oo la qabtay xili danbe habeenkii Arbacada ee bishu ahayd 9/8/2016-ka oo lagu qabtay hote ku magacaabo soria maria ayaa waxa ka dhacay in meeshii la
doonayey inay ahaato xaflad qurux badan oo ay ardaydu ku soo bandhigto farxadooda ayaa waxay noqotay meel la iskugu yimidaado oo faan iyo wax qaban aan jirin ka sheegtaan masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee dalka itoobiya,khaladaadkii meesha ka dhacay waxa ka mid ahaa hablo fara badan oo lagu soo casuumay xafladda oo la waayey baabuur qaada markii xafladdu dhamaatay 11:00pm,waxana dhacday iyadoo roob da’ayo in hablihii soo lugeeyeen isla markaana dhib uu ka soo faa’iideen ka qayb galkii xafladda waraabe u taaga ahayd,hadaba akhriste iyadoo ay meeshu tahay wadan ay qariib ku yihiin ayaa waxa wakhtigaasi danbe ay hablihii soo lugeeyeen ,iyadoo weliba la sheegay in baabuur loogu talo galay inay dadka soo qaadaan marka ay xafladdu dhamaato aan la siin lacagtii ay ku soo qaadi lahaayeen,fadeexadahaasi iyo kuwa kaleba way hoyn u noqdeen xarunta safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya oo ay masuuliyiin ay ka yihiin laba nin oo ilmaadeer ah oo ka soo wada jeeda haybta madaxweyne Siilaanyo isla markaana awooda ay doonaan ku shaqeysta iyagoo isku haleynaya inay madaxweyne Siilaanyo isku hayb yihiin.
Ugu danbeytii waxaan u soo jeedinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE inay wax ka qabtaan fashilka ku yimid safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya,safaaraddaasi oo muhiim u ah xidhiidhka labada dale e Somaliland iyo itoobiya iyo weliba isku xidhka Somaliland iyo bulshada caalamka ,oo halkii ay shaqada diblumaasiyadda u hawl geli lahayd ku soo meeraysanaysa arday iyo weliba marka masuuliyiinta dawladdu yimaadaan dalka oo ay gaadhi kaga soo qaadaan madaarka hudheelna ku dejiyaan, wax aan inta ahayn oo ay qabataa ma jirto.