berberatoday.com
Muuse dalab iyo Ina caaqil yare oo beesha Gobalka saaxil ka falaagoobey Waxba yeeli maayaan go’aana ma gaadhi karaan + shir ay diidi karaana ma jiro + shir jaraaid ay ku deedafeeyeen shirka guud ee 25 bishan dhacaya
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

DSCN1855

Hargeysa (Berberatoday.com) Cuqaal iyo madax dhaqameed kasoo jeeda gobolka Saaxil oo shalay magaallada Hargesa kula hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadaceen  shirkii ay qaar kamid ah waxgaradka deegaankaasi muddeeyeen qabashadiisa ee Baxarasaafka. Waxaanay xubnahan shalay hadlay ay waxba kama jiraan ku tilmaameen shirkaas iyo ajendihiisa la iclaamiyey.  Madax dhaqameedkan oo uu hor kacayay suldaanka guud ee beesha Awal Bari Suld. Cismaan Sh. Ibraahim Aw Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay haba yaraatee jirin wax shir ah oo ay isku waafaqsan yihiin dadka deegaankiisu, waxaanu yidhi “Waxa aan iftiiminayaa oo Somaliland iyo beesha Ciise Muuse u sheegayaa in aanu jirin shir laysku raacsan yahay oo beeshu u balantay shirkaasuna yahay mid aanay wax ba ka jirin waxaana wada koox dan siyaasadeed leh oo dadka kicinaya oo waayay dariiq ay siyaasadooda u maraan ayaa dadka beer la xawsi ku wada dadka, Waxa aan leeyahay cuqaashii beesha matalayay ee shirka beeshu ka go’ayay halkan ayay fadhiyaan oo gudidii dan iyo duco ka mid tahay, cida waxan wadaana waxa weeye siyaasiyiin tiro yar oo mucaarada oo reer ka kasban kari waayay  oo doonaya in ay dadka ku kiciyaan shirkii beesha ayaa la diiday. shir naloo diidan yahay majiro mid la iclaamiyayna majiro oo loo balamay hadii aanu u aragno in shir qabsanana anaga ayaa iclaaminayna xiliga la shirayo waxaana u igmanay oo nooga wakiila oo ku dhawaaqi kara gudida dan iyo duco oo lagu soo doortay shirkii dubur oo xilkii haysa,”ayuu yidhi Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim.  Suldaan Xasan Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in ka salaadiin ahaan aanay isku raacsanayn shirka baxarasaafka. “Anaga oo salaadiintii beesha ah waxa aanu isku raacsanahay in aanu shirka baxarasaafku maanta haboonayn cida shirkaa qabataana waa cid danbiile ah, wax aan laysku ogaynina waa khalad nin ka gudida dan iyo duco diidanoow la kaalay shir caafimaad qaba oo lagaga hadlo waxa laga cabanayo,”ayuu yidhi .Suldaanku. Suldaan Aadan Cawil Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in aanay haboonayn in wakhti xaadir kan la qabto shir ay yeeshaan beesha Ciise Muuse. Waxaana uu yidhi “Waxa aan ayidayaa oo taageer sanahay cuqaasha dhaqanka ee beesha ee ku dhawaaqday in wakhtigan aanay haboonan in shir beesha ah la qabto, marka reer ku u baahdana waa laga tashan oo waa layska arki xiligeeda hala gaadho shir dhaqan uma baahnin ayay yidhaahdeen cuqaasha beeshu” ayuu yidhi Suldaan Aadan Cawil Cilmi. Caaqil Axmed Caaqil Yare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa, Waxa uu sheegay in qabashada shirka beesha saaxil ay mudan karaan uun cuqaasha Ciise Muuse. waxaana uu yidhi “Waxa aanu ka hadlaynaa shirka Ciise Muuse ee la sheegayo in lagu qabanayo baxarasaafka ee waxba ka socon waayeen dadka lagu walaaqayo ayaan ka hadlaynaa, waxaana qabashada shirka beesha xaq u leh qabashadiisa madax dhaxaqameedka  beesha Ciise Muuse oo leh ajandaha shirka beesha reer na marka uu shir qabsanayo waa lays kugu yeedhaa oo marka laysku yimaado ayaa la yidhaahdaa shir ma, u baahanahay haa marka ay noqoto halkaynu ka dhignaa ayaa la yidhaahdaa meel hablaayo ayaa la yidhaahdaa, horta shirkan dhalinyaradan huteelada kaga dhawaaqayaan xaq ma’u leeyihiin suuldaankuna waxa uu xaq u leeyahay waxa beeshu ka shirto ee isku raacdo in uu goddoomiyo salaadiintuna gudoonka ayay leeyihiin, laakiin qabaa’ilka shirar kooxda malaha iyo in ay iskaga dhawaaqaan shir aan laysku afaran. waxa kale oo aan xaq u lahayn in xildhibaanada siyaasada loo doortay ku dhawaaqaan shirka reerka goorma ayaa loo doortay shirka reerka. waxa aanu leenahay Ciise Muuse shirkaa uma baahna marka uu u baahdo wuu ka tashan oo wuu qabsan,”ayuu yidhi. caaqil Axmed Caaqil yare. Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud ayaa waxa uu tilmaamay in cuqaasha beesha Ciise Muuse waxba kala socon shir baxarasaafka. waxaana uu yidhi. “Hadaanu nahay wax garadkii iyo salaadiintii beesha Ciise Muuse waxa aanu isla garanay in shirkaa Baxarasaafka waxba kala socon arrinkiisana aanaan ogayn, hadaanu nahay golihii dhaqanka ee beesha anagaa xaq u leh qabashada shirka Beesha Ciise Muuse isku dhan, reer kuna gudi ayuu doortay oo cuqaasha beeshu ayiday oo la soo doortay ayaa jirta oo shir beeshu u dhan tahay lagu soo doortay. nin aan loo dhiibin arrin reer oo aan war u hayn halka uu arrinka reer ku marayo in uu yidhaahdo shir baan idiin qabanayaa Ciise Muuse ma qabato waxa aanu si wada jira u qaadacaynaa hadaanu nahay cuqaashii Beesha Ciise in aanu shirkaasi ahayn shir ka yimid gudidii haysay talada beesha ee dan iyo duco iyo cuqaasha beesha,”ayuu yidhi Caaqil Xasan Shaqale.  Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Cumar Ibraahim Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in aanay waxba ka jrin shirka  baxarasaafka waxaana uu yidhi “Shirka baxarasaafka waa mid aanay waxba ka jirin cidii shir cuqaashu aanay ogayn ku dhawaaqda xukuumadda waxa aan ka codsanaynaa in ay u aqoonsato cid rabshad wada”ayuu yidhi Caaqil Cumar Ibraahim. Kulankan oo ahaa mid ay madax-dhaqameed badani isugu yimaadeen ayaa ahaa mid salka ku haya arrimaha ka taagan gobolka saaxil, waxaanay dul istaageen salaadiintu in ay iyaga ka godo talada iyo masiirka ummada ku dhaqan gobolku, waxaana hadalka iska daba maray ugu yaraan 10 Suldaan iyo Caaqilo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews