|
berberatoday.com
Nasiib Daradda Ku Dhacday Mudanayasheeni Xildhibaankii Shalayb Sida Adag Uga Doodaayay Heshiiska dhaxal wareejinta Dekeda Berbera oo Ugu Gacan Dheeraaday”Qalinkii Mahamed Cali
August 10, 2016 - Written by Berbera TodayWaxaad arkaysay Mudane Doodisii Doraad si adag ugu naqdiyay Heshiiska DP World ee la horkeenay Golaha kuna tilmamayay xaraan Maqdaca ah oo ay ceeb ku tahay Golaha in ay ka dodaan qoraal laga soo dheegtay Heshiiska (Summary), shalayna ka mid noqday kuwii gacanta u tagay, Waxaa koow ka ahaa Mudanayaasha Xildh Rayte oo waliba ka mida xubnaha ugu aqoonta badan, hadana mawqifkiisii wuxuu dhaafsaday oo Sacado yar oo kooban bedelay Shilimaad xaraan ah oo looga saray Sanduuqa Cashuurta dadka u xildhibaanka u yahay, halka markay marayso rejedii Mustaqalka wadanka iyo Dhalintuba mugdi ayuu galay, waxaana soo baxday in boob iyo Booli moyee cid wadankan yar danaynaysa jirin, sidaa markay tahay qof waliba halkii la toosan ayuun baa jid ah, yaan cidna la odhan waxay wadaa waa qalad madaaba anu jirin halbeeg la isku qiyaaso. ![]() ![]() Qalinkii Mahamed CaliCOMMENTS
|
||||
|