War sir ah:- Baashe moorgan oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Gudoomiye C/raxman Cirro + Muxuu daarnaa ? Maxaase laga wadahadlay?
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay iyo Gudoomiyaha Barlamaanka ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md. Cirro ayaa caawa Huteel Ambassador ku yeeshay kulan casho ah, kulankaa oo ay shabakadda wararka ee Xogreebnews usoo sheegeen goob-joogayaal looga qaateen ku sugan huteelku, waxay sheegen inay Gudoomiyaha iyo Safiirka Imaaraadka ee Somaliland, isla markaana kamid ah qoyska Madaxtooyadda ay qol kamid ah qolaalka Huteelku ay albaabka hoosta iskaga soo xidheen, kuwaasoo aan la oggeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Hase-yeeshee, waxa la filayaa inay ujeedada kulankoodaasi yahay mahad celin looga mahadcelinaayo Gudoomiyaha golaha wakiiladda u fudaydinta ansixinta Codsigii madaxtooyaddu usoo gudbisay golaha wakiiladda, kaasoo shalay uu Gudoomiye Cirro nidaamkii golaha u afduubay, isla markaana la ansixiyey.
Baashe Cawil oo ah Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaliland waxa la sheegay inuu Shandaad Madow sitay markii uu la kulmaayey Gudoomiye Cirro, sidoo kalena waxa suuro gal ah inuu baashe Cawil u siday shaqaale golaha wakiiladdu ku meelmariyeen Codsigii golaha la horgeeyey.
Si kastaba ha ahaatee, Safiir Baashe ayaa kamid ah shaqsiyaadka saamiga ku qarsaday heshiiska Dekedda Berbera, kaasoo kamid ah xubnaha raaran-gobyeysan ee waranku ka fuqay markii la ansixiyey qoraal lasoo min guuriyey ee Dekedda, iyadoon golaha la horgeyn heshiis ama xeer midna.
Xigasho xogreeb