wardegdega -Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Saacadaha Soo Socda Go’aan Cusub Qaadanaya + Is-casilaad Laga Cabsi Qabo
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte (Qaalib) ayaa qarka u saaran in uu iska casilo xilka uu ka hayo Dowlada Somaliya ka dib markii uu khilaaf xoogan shalay ka dhex qarxay isaga iyo maamulka Muqdishi
Arimaha laysku khilaafsan yahay ayaa ah Saami qaybsigi lagu jilayey in ay leeyihiin Somaliland oo meel lagaga dhacay isla markaana dib loo xasuusiyey in maamulku yahay kay ka farcameen dadkii dadkooda Xasuuqay taasina waxay sababtay is ciilkaanbin ku dhalatay xubnaha calooshooda u shaqaytayaasha ee Somaliland ka soo jeeda ee Xamar ku sugan
Saacadaha soo socda waxa lagu wadaa in Maxamed Cumar Carte go’aan cusub ka qaato Dowlada Somaliya iyada oo wakhtigan khilaafku meel culus marayo
