Xaflad Habeenkii Xalay Madaxtooyada Lagu Qabtay Oo Laga Seexan Waayat Dhawaaqa Rashka Oo Xarad Beelay Iyo Dekeda Berbera Oo La Qorsheeyay In Magaca Axmed Siilanyo Loo Bixiyo
August 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-habeenkii xalay ayaa waxa ka dhacay aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa kulan balaadhan oo loogu xafladaynayo dhaxal wqareejinta Dekeda Berbdera, kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Madaxweyne Siilanyo iyo masuuliyiintooda kaga jira Xukumada ayaa waxa lagu muujiyay farxad balaadhan oo ay ku faanayaan inay Dekedii Berbera ku wareejiyeen shirkad ay share badan ku leeyihiin Berberana ay qabsadeen iyada oo ay dabaal dagaas iyo farxadaas kju muujiyeen rash aad ubadan oo laga ridaayay aqalka Madaxtooyada oo hawada loo diraayay rashkaas oo fajac iyo amakaag ku riday shacabka reer Hargeysa oo ilaa xalay aan ka seexanin dhawaaqa iyo bidhaanta Rashkaas hawada loo ridaayay oo aan kala go lahayn.