berberatoday.com
Xikmad af ingiriisi ah ayaa ah “Silent is another answer” “aamusnaantu waa jawaab kale”,
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Xikmad af ingiriisi ah ayaa ah “Silent is another answer” “aamusnaantu waa jawaab kale”, naftayda ayaan ku qanciyey in muddo ah inaan gebi ahaanba ka indho saabo siyaasad xumida, mustaqbal xumaanta iyo siyaasi qalooca dalkii ka jira.

Maalin walba markaan xafiis yar oo aan leeyahay soo fadhiisto ayaan indhaha mariya wararka iyo waayaha dalkii ka jira, wax sidaasi u weynse kama soo kordhaan oo aan ahayn qalbi xanuun iyo niyad jab weyn oo aad ka sii qaado.

Muddo afar usbuuc ka hor ah ayaan gebi ahaanba naftayda ka mamnuucay inaan eego goob warbaahineed oo Soomaali leedahay, gallab aan sidaasi usii fogayn ayaa anigoo ka soo baxay Library-ga jaamacadda Coventry, waxaan usoo sheeko iyo qaxwe doontay goob bunka lagu cabo oo gadh cadaaga reer Somaliland ku kulmaan casarkii.

Markii aan qolqolka hore ka soo gallay ee aan sallaanta dhamaystiray ayuu mid ka mid ahi igu yidhi “suxufi warka soo daa” aniguna waxaan ugu jawaabay “waan ka soomanahay”.

Ummadda intii ugu xumayd,ugu kharibnayd, ugu qalbi xumayd ayaa hogaanka u haysa, intii wanaagsanaydna afka juuqda gabay, oo waxay xita ka xishoonayaan inay hadlaan, waxay ilaashanayaan magacooda iyo milgahooda.

Layaab malaha, ilaahay subxanahu watacalaye wuxuu quraanka ku sheegay “inaanu qoomna ilaahay dulayn inay iyagu is duleeyaan mooyaane” inta talisa ee xumi ummadda may dullayn, ee ummaddu iyaga garatay inay is duleeyaan.

Allah ummadda xaqeeda ha garansiiyo

Mohammed Abdi Hassan
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews