Xildhibaan Buubaa oo noqday Xildhibaankii ugu laaluushka badnaa mooshinkii shaley iyo C.raxman Cirro oo lacagta balanqaad ku darsadey
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Xildhibaan Buubaa oo noqday Xildhibaankii ugu laaluushka badnaa mooshinkii shaley iyo C.raxman Cirro oo lacagta balanqaad ku darsadey……
Hargeysa*(Berberatoday.com) / Xildhibaan Buubaa oo ah xildhibaanada ugu dada yar golaha barlamanka somaliland ahna Masuul siyaasada rajo ka raba ayaa rajadiisii ku ridey goddheer oo aanu dib uga soo kici doonin , Xildhibaan buubaa ayaa wararka xisbiga masuuliyiin ka tirsani usoo sheegeen berberatoday.com sheegayaan inuu noqdey xildhibaankii ugu lacagta badnaa lacagihii laaluushka ahaa ee madaxtooyada lagu qaybinayey isagoo habeenadii ugu danbeeyay ahaa xildhibaanada madaxtooyadu saartey culeyska badan ee taargetka u ahaa .
Wararku waxay intaa ku darayaan xildhibaan buubaa iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa balanqaadyo iyo lacago badan lagu baayacay , badidoonu qaatey lacagtaas , si mooshinka madaxtooyadu wadataa unoqdo mid ansax ah .
Barlamanka maanta jooga ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee abid soo mara somaliland .