berberatoday.com
Xildhibaan Qabile oo sheegay in haamaha shiidaalka ee Berbera lagu wareejinaayo DPWorld ganacsatadii horana….
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada soomaaliland ayaa la sheegay inay wado qorshe ay haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera gacanta ugu galinayso shirkada DP World ee ay dhawaan la soo gashay heshiiska dekeda Berbera.

Sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland, kaas oo tilmaamay qorshaha xukuumadu ku doonayso inay haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera ku wareejiso shirkada DP World ee sodonka sanadood laga kireeyey dekeda magaalada Berbera.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo kahadlayey dood ay mudanayaasha wakiiladu ka yeesheen heshiiska DP World ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu iskugu yeedhay ganacsatadii ay ka kiraysay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera kuwaas oo ay ku war gelisay inay mudo lix bilood ah kaga baxaan haamaha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Haamaha kaydka shiidaalka golahani isaga oo u tixraacay sharci, kuna ansixiyey aqbalabiyad aanu madaxweynuhu soo celin Karin inay hadana iska socodsiiyey aynu ognahay, fadeexada ka danbaysay ee iyadana aanay dhagta iyo dhaayaha somaliland midna u adkaysan karin waxa ka mid ahayd inay madaxtooyada mar labaad ugu yeedhay shirkadaha ay sida xaaraanta ugu wareejisay, kuna yidhaahdeen lix bilood gudahood kaga baxa iyada oo lacag adag laga shubay dadka muwaadininiinta ah”

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay cida lagu wareejinayo iyo sababta looga saaray shirkadihii markii hore laga kireeyey haamaha kaydka shiidaalka Berbera waxaanu yidhi ““Waayo Hal Kaa caano badan oo Dp World ah ayaa timid”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews