berberatoday.com
Agaasimaha Waxbarashada Oo War-saxaafadeed Gar-naqsiya Ka Soo Saaray Shaqo Joojintii Uu Wasiirku Ku Sameeyay
August 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Abiib Axmed Cali oo dhawaan uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu shaqo joojin ku sameeyay, ayaa War-murtiyeed uu Xalay soo saaray iskaga difaacay eedaymo uu Wasiirku u jeediyay.

War-murtiyeedka oo Xalay Xilli dambe soo gadhay Wargeyska Himilo, ayuu ugu horeyn Agaasimuhu kaga hadlayaa Shaqo ka joojinta uu Wasiirku ku sameeyay iyo musuqmaasuq uu sheegay inuu Wasaaradda ka jiro.

War-murtiyeedkaas oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan, “Waxaan jecel ahay inaan dib u jaleecno si koobana eedaymaha Wasiirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin ficiladan hoos ku qoran.

  1. Wasiirku waxa uu soo adeegsaday Askar Police ah oo uu keenay Wasaaraddii Waxbarashada. Kuwaas oo iga hor joogsaday inaan soo galo W.W.&.T.Sare. Askartan oo aan haysan wax warqad ah oo faraysa amarkan. waxaana markii aan su’aalay sababta ay ii hor joogsadeen ii dhiibeen warqad buqshad ah oo magacaygu ku qoran yahay, Waxayna igu yidhaaheen waxay ka timi Madaxtooyada ee oradoo la xidhiidh. “Anaga amar ayuunbaa lana soo siiyey” ayuu igu yidhi askarigii. Markii aan furay warqadahana wax warqad ah oo Madaxtooyada ka timi kuma arag, hase ahaatee waxaan ku arkay Warqadda Wasiirku ii soo qoray oo ay ku lifaaqan yihiin nuqulo warqado aan aniga iyo wasaaradu isku diray.
  1. Wasiirka iyo Afhayeenkiisu waxay warsaxaafadeeda ahaan ugu faafiyeen Saxaafadda kala duwan iyo Barahawararka ee “Guri Caareedyada Caalamiga ah” (International news websites) warqad aniga iyo hay’adaha dawliga qaarkood si gaar ah(Private) ugu socotay oo nuxurada qoraaladana warar aan sal iyo raad lahayn ka buuxdo, si ka baxsan sharciga, hab dhaqanka, anshaxa suuban, islaanimada iyo nidaamka wada shaqaynta xafiisyada dawladda loogu faafiyey.
  1. Waxa uu wasiirku jabsaday Xafiiskii Agaasimaha Guud ee wasaaradda isaga oo ka maqan. Arintan oo Ugub ku ah Maamulka madaxda dawlada Somaliland.
  2. Waxa wasiirku uu ku faafiyey dhaliilo been abuura oo uu ku tilmaamay inaan ka hor imi shaqooyinka iyo barnaamijyada wasaaradu u waday qarankan sida:
  • Anoo Dugsiga tagi waayey M.A. Sheef
  • Tababarka Macalimiinta
  • Hanaanka Imtixaanaadka
  • Hurumarinta manhajka iyo buugta dugsiyada
  • Adiga oo hay’adaha Ajaanibka ah u gudbiya waxaan wasaaradda u gaar ah. una sheega falalka sharci-darada ah iyo agendayaal qarsoon. eeg Emailka 11/5/2016. iyo in ay wado wasaaradu argagixiso.
  • Adoo ka hadla isku beddelka shaqaalaha een sameeyo wasiir ahaan.

Haddaba mudaneyaal iyo marwooyinba, waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo falalka Wasiirku uu sameeyey, isna waydiino maxaa sharci ah maxaan ahayn. Isla markaana kaga jawaabno eedaha kor ku xusan ee la igu eedeeyey.

  1. Wasiirku askarta uu dhigay wasaaradda ee uu yidhi ka joojiya Agaasimaha Guud inuu soo galo ma sharcibaa? mise waa sharci darro?.
  1. Agaasimaha Guud ma wasiirkaa u magacaabay oo xilkan qaranka u idmaday? Mise waxuu ku magacaaban yahay degreeto madaxwayne?
  1. Maxay askartu intay bushqad warqada ah iigu dhiibtay ii tidhi Madaxtooyadaa lanaga soo amray ee la xidhiidh, ma wasiirkaa ku yidhi sidaa dhaha, Ilayn waanigan arkay in waraaquhu isaga ka yimaadeene?
  1. Warqadaha agaasime guud loo dirayo iyo hay’adaha dawladda goormay wasiirka sharci u noqotay in saxaafadda loo qaybiyo. Habkani ma nidaamkii dawladeedba mise waa waxyaabaha ka baxsan anshaxa maamulka hay’adaha dawladda?
  1. Goormay xalaal noqotay waxii ilaahay dadka ka xaaraantinimeeyey?
  1. Illaahay waxa uu inoo sheegay in qofka muslimka ah ay xaaraan ka tahay Nafta, Maalka iyo Cirdiga qof kale oo muslim ah. Hadaba goormuu wasiirku xalaashaday in uu eedaymo been ah oo sharaftayda iyo shaqsiyadayda wax u dhimaysa ku baahiyo Saxaafada caalimga ah iyo baraha internetka.
  1. Wasiirka iyo Agaasimaha Maamulka waxa ay jabsadeen Xafiiskii agaasimaha Guud. Waxa uu u hanjabay (Abused) xoghayntaydii oo uu qasab kaga qaatay furihii Markaasuu qufulkiina ka baddeshay. Arintaasi Madaxwaynaha iyo Dawladda iyo Shacabkaba waxaan leeyahay ma sharcibaa in xafiis aanad lahayn jabsataa? Miyaanay Tuugo ahayn?
  1. Maxaa ku kalifay wasiirka inuu xadkaa gaadho? Ma sharcigaa isaga ka baqaya oo waxaa lagu odhan waa wasiirkii buu is leeyahay? Ilayn shaqsi caadi ihii kuma dhaceen inuu jabsadee?

Waxaa kale oo wasiirku igu eedayay inaan ka hor imi barnaamijyo waxbarasho oo ay ka mid yihiin kuwa ku xusan qodobka 4aad, sida:

 Dugsiga M.A.Sheef

Dugsigaa waan tagay waana la dhisay. Sababta uu iigu eedaynayo inaanan tagina waxuu og yahay inaan diiday lacagta uu qandaraaska ku bixiyey. Waxaana uu ku qandaraasay laba fasal iyo Store yar lacag dhan $71,000. Illaahaybaan idinku dhaarshee ma qiimahaasa ku baxa laba fasal iyo store yar oo dhan 22m +dayactir daaqado. waxaan idiin sheegayaa fasalada standardka ah ee Hay’adaha wax noo dhisaa waa $8000-$10,000. Haddaba marka hay’adii lacagta haysatay intaa qandraas ku bixiso maxaa budgetka yar ee dawlada uga dhigay farajiin. mise waa dhaka kale oo waa loo dhuljeefeeyey.

 Tababarka macalimiinta

Horta ilaahaybaa ina dilayee kama hor iman tababarka macalinka. Runtii waa mid aan u riyaaqsanaa laakiin waxaa  diiday habka loo maamulayey oo ahaa mid aan daacad laga ahayn ee “Far Hunguri”loo samaystay. Waxaanan ku taliyey in lagu qabto Jaamacadaha dalka oo leh Collegeyada education iyo agab wanaagsan. kuwaas oo runtii wax ka tari jirey dakhliga Jaamacadaha iyo machadyada macalimiinta lagu tababaro. waxayna ahayd dakhliga kaliya ee soo gala jaamacadahaa, waayo ardayda badankeedu uma gasho xirfad ahaan macalinimada siday digriiyada kale. Waxaana kabi jiray tababaradana  macalimiinta. Waxaanad u samaysatay Xisaab baaneed gaar ah“Bank Account”. kaas oo aanad la wadaagin Agaasimaha Guud ee ka masuulka ah kharashaadka wasaaradda. Halkaas oo ay ku soo dhacdo Fiidii Macalimiinta ee jaamacaduhu qaadan jireen. ilaa imikana lacagta fiida cida qaadata aan la garanayn.

Tababarkaasi in lagu guul daraystayna waxaa markhaati kaaga ah oo aad adiguna usoo taagnayd markii subaxii sabtida 30 July 2016 shirkeenii Sabtiilaha ahaa gudidii loo diray xograadintu keentay warbixin toban page (10 Pages) ah oo baa ba’ ka dhigaysa hab maamulka tababarkii macalimiinta. Taasi oo aad wasiirku aad uga xanaaqay.

Habka Imtixaanaadka

Mudane wasiir anigaa qaba in cidii dadaashaa ee imtixaan baasi karta ee si daacad ah u baastaa inay hore u socoto. Banii aadamka ilaahay maskaxdiiisa iyo fahankiisaba ma simin. Sidaa daraadeed Xafiiska Imtixaanaadka waxa loogu tala galay inuu imtixaan qaado, ee isaga dadka imtixaan intaas oo sano ma soo fadhiday fasal maaha shaqadiisa. Taasi waa wasaaradda siyaasadeeda cidii ay u ogolaanayso. Anigaana markaan soo baadhay u ogolaaday, kana cilmi badan gudoomiyaha oo isaguba BB ahaa laba sano ku shameeyey dugsiga sare. Waxaanad moodaa gudoomiyaha imtixaanaadku inuu yahay ninkii ku indha beelay ee madoodiga ma leegyaha waxwalba odhan jirey. Waan idiin sheegayaa fadlan imtixaanaadku waa fadhiid eh wax ha korodhsadaan. Miyaanay ogayn in gabadh yar oo 5 1/2 Shan iyo badh sano jirtay oo guri oo aabaheed ku baray imtixaanka GCSE Mathematics baastay.

Xafiiska Imtixaanaadku waxa qabaan hadii aad geedo beerto i.e Geed A, Geed B iyo geed C oo aad hor beerto A iyo B, Cduna dambayso oo C da dambaysay midho dhasho in la yidhaa maxaad u midhaysay eed u dhaaftay A iyo Bda.  Waxaan aynu u baahan nahay inaynu casriyeyno Imtixaanaadka.

Manaahijta” Daabacaada Buugta Dugsiyada

Iyadoo oo xanaaqii warbixinta tababarka macalimiinta ay kugu jirto ayaa hadana waxuu Agaasimaha Manaahijtu kuug daray warbixintii buugta la qorayey. Markaasaa wax yaable oo wasaarada fajiciso ku noqday laga waramay. Qandaraas Qof loogu xidhay buugtii dalkoo dhan.

Dadka buugta qorayey oon ahayn dad u qalma, Agab iyo buug laga dheego oon la hayn i.w.L

Ayada oo aan wax talo ah laga waydiin madaxda wasaaradda. Agaasimayaasha Guud, Wasiiru dawlaha iyo daneeyayaal kaleba.

Markaan wax ka waydiiyey Agaasimihii Manaahijta goorta uu wasaaradda u keenayo si loo hubiyo buugta la qoray wuu diiday inuu sifiican ugaga jawaabo. Waxaan ku idhi “ Miyaanay haboonayn in ubadkeenu buugaagta (Text books) maadooyinka kala duwan ee loo dhigi doonaa in wasaarada khabiiradeeda iyo dadka kale ee cilmiga u lahaa inay inala eegaan si aynu u helo buug tayo badan?, ka dibna intaad aad u xanaaqday ayaad shirkii xidhay oo xataa u diiday wasiiru dawoluhu isku dayay inuu ku dajo, hase yeeshee waad iska gundhisay oo diiday, sidaasaanu ku xidhmay shirkii.

maalintii kuxigtay 31 July 2016 waxaan warqad u diray Agaasimaha Manaahijta oo ku idhi fadlan buugta oo softa ah iyo hal copy oo sample ah keen wasaaradda si loo eego inta aanay daabacaad galin. Waxuuse ii soo diray jawaabta tixraaceedu tahay

Inamadii guddoomiyayaasha buugtana oo aan ugu yeedhay kulan wasaaradda ahna waxuu ku amray in ayan iman.

Waxaan rumaysnaha inuu manhajka dalku yahay  Masiir Umadeed” kaas oo u baahan in aad looga baaraa dego een u baahnayn in laba bilood lagu sameeyo “manhaj qarafaa dhug ah” si qandaraaska macaashkiisa uun loo qaato, aseen dan looga galin ubadka reer somaliland waxay baranayaan.

Hay’adaha Ajinabiga ah

Waxa uu yidhi wasiirku” Adiga oo hay’adaha Ajaanibka ah u gudbiya waxaan wasaaradda u gaar ah. una sheega falalka sharcidarada ah iyo agendayaal qarsoon. eeg Emailka 11/5/2016.”

Waxaan ka xumahay inaanu wasiirku sifiican u akhriyin nuqulka emailka uu iigu soo lifaaqay oo si cad u tusinaysa taariikhda 11/05/2016 waqtiga 07:45PM in Wasiirku xigeenkiisu ii soo qoray email uu iigu hanjabayo oo uu tusayo ama siiyay CC dadkale oo ajinabi ah inuu booska yahay.

Waan ka xumaaday emailkaa waxaanan gujiey reply markaasaan ku celiyey jawaab emailkaa at 08:23 PM. Hadaba ma anaa bilaabay mise wasiirkiisa? Anigu runtii daacad baan arinta ka ahaa waxaan ogaaday markaan diray inay ccyo badani la socdeen, waana intii uu wasiir garas ku soo lifaaqay.(Fadlan eeg lifaaqa emailka”.

Su’aasha ah waxaad ku sheegtay argagixiso wasaarada, fadlan wasiir halkay kaga taalaa emailka aad ka hadashay. Waxaa laga hadlayaa“Baadhitaan iyo lafa guris waxbarashada iyo himiladiisa” ma waxaad u qaadatay ESA/ESSP inay tahay argagixiso? Maan fahmin meesha aad erayadan ka keentay, malaa cadhadaa kuula gashay ee sidaa maad moodayn.

Gaba gabadii wasiirku waxa uu yidhi “ Laga bilaabo saacada aad hesho warqadan waxaan kaa joojiyey xilkii Agaasime Guudnimo ee aad wasaaradda u haysay waxaana kaa reeban in aad xarunta wasaaradda iyo xafiiska aad ku shaqaynaysayba aad soo gasho laguguna arko amar la’aan”.

Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye ma wasiirkaa xilka Agaasime Guudnimo ii dhiibay mise Madaxwaynaha J.S.L?

Wasaaraduna ma aqalkiisiibaa mise waa Makhaayad uu leeyahay? Cajeeeeeeeeeeeeeeb!

Agaasimaha

Waxaan ka xumahay in aanad fahmin awoodaha kala duwan ee dawladda, inkasta oo aad in ka badan 20 sano guurtida joogtay waxaad moodaa inaanay habka dawladnimada waxbaba kaaga duxin maadaama oo aanad wali garanayn Asdaamaha Shaqadaada iyo awoodaheeda toona. waxaana kugula talin lahaa :

  • Ka fiirsato intaanada wax falin.
  • Waxaad falayso ee aad saxaafada ka akhridaa niyad hakaa ahaadaan adoo Allah ka cabsanaya.
  • Si Guurtinimo uga shaqee xilka qaranka oo ha qarda jeexin, kuna ekow xayndaabka sharciga, hadii kale sida aad doonto samee meelkastaa way kuu banaantahay eh.

Wax badan oo naga qaldan u bandhigi maayo sidii wasiiirku saxaafada. Waxaanu ku xalilan  wasaarada dhexdeeda . Haday naga maaran siin waydana cida nasoo magacowday ayaanu u gudbin si ay noogu gar naqdo”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews