“Doorashooyinka Ka Dhacaya Soomaaliya Ma Aha Kuwo Khuseeya Somaliland” Wasiir Sacad Cali Shire
August 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan qayb ka ahayn Hannaanka Doorashooyinka Somalia ee dhici doona daba-qaayada Sannadkan lagu jiro, aysanna jirin cid ku metelaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somalia ay yihiin waddan jaar ah, ayna Somaliland gooni ka tahay Somalia, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax u dhexeeyay 25-kii sanadood ee la soo dhaafay.