berberatoday.com
Heshiiska Dekadda Berbera Hadaan Qudhun Lagu Ogayn Maxaa Laga Qarinayaa? Qalinkii Cabdi Mohamed
August 11, 2016 - Written by Berbera Today

sida aynu wada ognahay waxaa beryahan dambe taagnaa ISSUE dawakhiyay bulshada kaasoo ah Arinka Dekeda Berbera & Shirkada DPWorld waana arin dadku ay ka qaadeen Jahawareer inyar mooyaane isla markaana keentay muran & ismaan-dhaaf xoogan oo dhinacyada golayaasha Dowlada & Baarlamaanka iyo sidoo kale shicibka kudhaqan dalkan somliland, waxaana muuqata in arintani siyaabo kala duduwan usaamaysay bulshada iskastoo aan weli la bilaabin qorshihii lawaday maamulkii Dekedana weli ay gacanta kuhayso Somaliland & maamulkeedii hore hadana waxaa soo baxay oo muuqda laba arin waa marka aynu eegno xaga bulshada daneeyayaasha ah haday yihiin shaqaale & kuwa kuxidhanba labadaas arin oo ah 1.Werwer & Mugdi galay rajadoodii 2.Rayn-rayn & soo dhawayn filasho wacan, waana laba arin oo kukala gadaaman bulshada sida aynu sareba kusoo sheegnay oo qolaba mid aaminsantahay

hadaan siday ukala horeeyaan labadan qodob aan ugu kala horeeyo kahore
1.WERWERKA qolada ugu werwerka badan ee rajo la,aantu usii muuqataa waa shaqaalaha Dekeda, xamaaliinta sida Geele A&B, Salfadooranka, Bindhin-garaaska, sababta oo ah iyagoo hore aan loogu samayn sharci kala haga iyaga & Dekeda ama Iyaga & Dowlada haduu yahay mid caalami ah & haduu yahay mid Local ah taasoo micnaheedu noqonaayo inay yihiin Ku-meelgaadh (Tamparary Staff) sidoo kalena xogta qudha ee ay hayaan kuna saabsan arintan shirkada & Dekedu ay tahay in ay keensan doonto shirkadu shaqaale utababaran iyagu ay khadka ka bixi doonaan waana sababta keenaysa inay muujiyaan Walaac xoogan
dhinaca kale arinta labaad
RAYN-RAYNTA & SOO DHAWAYNTA
Arintan waxaa aaminsan qolooyin badan oo kala duduwan oo aan iyagu ahayn shaqaale balse ukala baxa, qaar aaminsanaa in Maamulka & Manfaca Dekedu si gaara gacanta ugu jirtay iyagoo cuqdad kaqaaday cidii kuhaysay dekeda gacanta (Cid gaara uqaba ciil) & qaar iyagu aaminsan inay usoo baxday Fursadi oo ay noqon doonaan kuwa ugu dhowdhow ee u adeegi doona mashruucan cusub iyagoo kusii hamiyaaya inay noqon doonaan Wakiilo ama qaar si kale u howl gala balse aan la ogayn cida ay ka haystaan Support ka & kalsoonida ee ufulin doonta arinkaas ay sii qorshaysteen
HADABA LABADAAS QOLO KUWEEBAA XAQ & XUQUUQ LEH??????
Si kastaba ha ahaatee waxaa la odhan karaa waxaa lays dhex wadaa oo laysku khasbayaa laba arin oo aan is qaban oo kala ah 1.Feker-khaldan 2.Qorshe-badheedh ah
Fekerka khaldan waxaa aaminsan ama haysta 99.9% bulshada Somaliland marka laga reebo inyar oo masuuliyiin ah oo Xeedhada Gunteeda og ama dan gaara leh & inyaroo Weji-kumacaash ah oo intaas masuuliyiinta ahi adeegsadaan oo marba meel ay taagaan oo hadla ay yidhaahdaan
Qorshaha Badheedhka ah waxaa wata xunbo yar oo kooban oo doonaaya inay wixii umada si gaara ugu faa,iidaystaan iyagoo iska dhigaaya qaar udanaynaya bulshada balse aan sheegayn run oo wada khiyaamo qaran & umadeed
HADII AY WADAAN DAN QARAN
Maxay ufahamsiin waayeen bulshada Heshiiskan ee ay u qarinayaan maxay u faahfaahin waayeen ee kuhoos jira, miyaanay ahayn in bulshada la fahamsiiyo faa,iidada heshiiskani uleeyahay bulshada si bulshadu u aaminto ugana baxo shakiga & didmadu?

Qoraalkii. Abdi Mohamed Abdilahi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews